Guddoomiye Xirsi Oo Isku-shaandhayn Ku Samaynaya Xisbiga & Afhayeenkii Xisbiga Oo La Bedelayo Iyo Sababta?

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la filayaa inuu dhawaan ku sameeyo isku shaandhayn xoghayayaasha Xisbiga WADDANI .xil ka qaadis iyo Magacaabis,taas oo la sheegay inay tahay mid sal ballaadhan.

Guddoomiye Xirsi ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku mashquulsanaa sidii uu Xisbiga WADDANI u soo dhisi lahaa,maddaama oo badhtamihii bishii November ee sannadkii ina dhaafay ee 2021-kii isaga loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota,waxaanay taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland ay ka dhur-sugayeen muddooyinkii ugu dambeeyey inuu is baddel ku sameeyo Xisbiga.

Ma jiro War Rasmiya oo arrintan ku saabsan, balse Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saddex bilood hadda hayey Xilka inuu ku mashquulsan-yahay Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis si weyn loo wada sugayo,waxaanay xogguhu ay intaas ku darayaan in Guddoomiye Xirsi uu xilka ka qaadi doono Xoghayayaal,halka uu xilal ka bannaan Xisbiga WADDANI uu iyana buuxin doonno.

Sidoo kale waxa la sheegay in masuuliyiinta xilka lagga qaadayo uu kamid yahay Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Batuun,kaas oo xilka qaadistiisa hadda lala xidhiidhiyey arrimo kale duwan,waxaana la filayaa in booskaa loo magacaabi doonno Cabdilaahi Cukuse oo kamid ah siyaasiyiinta waa weyn ee Xisbiga WADDANI,waxaa xusid muddan in Xilka Afhayeenka Xisbiga WADDANI uu bishii February 5,2019-kii uu Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro u magacaabay Barkhad Batuun,kaddib markii booskaas lagga qaaday Afhayeenkii hore ee Xisbiga Buubaa.

Dhanka kalene taageerayaasha Xisbiga WADDANI ayaa iyagu si weyn isha ugu haya dhaq-dhaqaaq Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,kuwaas oo dhawrayey muddooyinkii ugu dambeeyey is baddelka Guddoomiye Xirsi uu ku samayn doonno Xisbiga, iyagoo ku rejo weyn inuu safka hore soo gelin doonno siyaasiyiinta waa weyn ee kamid ah Xisbiga WADDANI,kuwaas oo la tuhunsan yahay in xaaladda hadda aan lagga maar-mayn .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker