Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan oo aan wali u hoggaansamin xabad joojinta

Dagaalada ayaa weli ka socda dalka Sudan maalintii shanaad, iyadoo ciidamada Sudan iyo xoogagga taageerada degdega ah ee RSF ay isweydaarsadeen midba midka kale eedda jebinta xabbad joojinta, si loo sameeyo arrimaha bini’aadantinimo, oo 24 saacadood qaadatay laguna dhawaaqay Talaadadii.

Macallin dugsi oo ku sugan magaalada Khartoum, ayaa barnaamijka Newsday ee BBC u sheegay in subaxnimadii Arbacada ee maanta la maqlayay dhawaqa madaafiicda culus, isagoo intaa raaciyey inaanu jirin “qolo dhegaysanaysa ama ixtiraamaysa xabbad-joojinta lasoo jeediyey”.

Wareysiga ayaa waxaa muddo kooban hakad geliyay dhawaqa rasaasta, iyadoo macalinku uu sheegay inuu u guurayo meel kale oo xasiloon.

Macallinka oo magaciisa lagu sheegay Mo, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay la qabsadeen xaaladda “argagaxa leh”.

Waxa uu sheegay in mid kamid ah ardaydiisa ay rasaas habow ah ka haleeshay madaxa.

Mo ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in kaydka cuntada uu gabaabsi yahay, maadaama dukaamada iyo kuwa kale ee ay kasoo qaataan ay wali xiran yihiin.

“Korantadu way shaqeyneysaa wali, laakiin daqiiqad kasta way dami kartaa,” ayuu yiri.

Ku dhawaad ​​200 oo qof, ayaa ku dhintay dagaalka oo bilowday Sabtidii ina soo dhaaftay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker