FAYSAL ALI WARAABE WUXUU NOQDAY ‘SATAN VERSES BOOK’ SOMALILAND.

Khudbaddii u dambeysay wuxuu Faysal jebiyey record kii cayda ee HOORAAYE. Waxay la mid tahay buuggii Salman Rushdie ee Satan VERSES (Aayadaha Shaydaanka) ee Islaamka Dilka ku xukumay. Haddaad dib u dhegeysataan wuxuu qalbigiisu ka dhex muuqda wejigiisa oo hubaal shaydaano u eegaa. Somali reer ma dhaafin oo madax ma dhaafin oo Salaadiinta ma dhaafin Somalia iyo Somalilandba. Wuxuu cay ku afrogay Somaliland iyo MADAXWEYNAHA Muse Biixi iyo Mudane Ciro, wuxuu caayey Kulmiye iyo Wadani, wuxuu caayey Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, wuxuu Caayey Carre iyo military ga iska dulman ee inta la dilay iyo intay iska dileen aan la soo koob karin. Wuxuu caayey prof Samater, Prof Galayd iyo Prof Ismail Boobaa, wuxuu caayey qabaailka Garxajis, Samaroon iyo Jeegaan, wuxuu caayey DHULBAHANTE iyo Xildhibaanada iyo Dhakool wax qof madaxa lagu sheegi karo Faysal Cali Waraabe maaha ciddii sidan ku eegataana maaha cid dhaanta. Waxaad moodaysay khudbadiisa habar goblan ah oo masayrtay. Faysal wuxuu ilaaabay afartankii sano ee u dambeeyey wuxuu sameeyey iyo wuxuu ku sifaysnaa iyo siduu imika u ceesho.

Wuxuu sawir wacan ka bixiyey sida maqaanka siyaasiyiinta Somaliland u hooseeyo iyo waxay fikirka aad u liita ee bulshada lala hor imanayo.
Prof Cali Khalif iyo Prof ayuu aad u caayey beelaha ay kasoo jeedaan iyaguna wanaag iyo DOOD caafimaad qabta oo ummaddoo dhami dhegeysatay iyo maskax furan oo ummaddu DHEXDEEDA wax is weydiiso oo cilmiyey San Bay ahayd oo waxay prof Samater iyo Prof Galayd caddeeyeen inaanay wadankooda Somaliland cidna marti uga noqonayn iyagiyo beela hoodu ee wax la wada leeyahay la samaysto oo siday imika tahay aan Beesha dhexe a waxba wada lahayn Beelaha darafyaduna aanay waxba la lahayn sidaa a Somaliland kuma iibsamayso, 26 June iyo 18 MAY na 21 October oo kale ayey ku dambayn haddaan wax la wada YEELAN. Cabdiraxman Cirro iyo wadani waxay caddeeyeen inaan saaxad xisbiyo ku tartammaan aanay jirin ee Guddi 6 isku xisbiya iyo 1 xisbiyi u garsoorayihiin Waxaasi Guddi Doorasho maaha Caruurtaa idin fahmaysa. Sidaa Doorasho ku dhicimayso iska dhoodhooba wadan afroggiina labadaa arimood ba waa xaq Ummadda iyo adduunkaba horyaal oo u muuqda. CAARRE arin military oo Dulmi ka buuxo buu ka cadhooday Wadanina shaqo kuma laha waa Mushkilad Haggaanka Kulmiye dhalay iyo Xukuumadihiisu wada to maalin walba Askarta dhibaato ayaa dhexdooda ka jirta. Xaalku waa ha sabayso Doonidu inay inala degto waa damacsanaydeene. Sidan a Somaliland adduun kaga a mid noqon karto.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker