Masuulka Dawladda Maraykanka U Qaabilsan Baadhista Fara-galintii Ruushku ku Sameeyay Doorashadii 2016 mr Robert Mueller oo hortagaya congress-ka

 

Robert Mueller, dambi baadhihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee  dhacday 2016 ayaa ogolaaday inuu inuu markhaatiga ku  furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congress-ka Maraykanka.

 

Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona 17-ka bisha July ee soo socota.

Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17-ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan.

Mueller ayaa gacanta ku hayey baadhis qaadatay muddo labo sano ku dhow,

taas oo la Xidhiidhay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker