ONLF Jabhad 35 sano iyo in ka badan horumarkeeni waayday iyo xaalka maanta !W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

​Ilahay ayaa mahad wayn iska leh,ammaan iyo sharafna waxa ay u ahaatay Nabigeenii suubanaa Muxamad SCWW,wanaag oo dhanna waxaa koobsaday intii raacday jidkisii toosnaa.

Aduunyadan aynu ku nool nahay maaha mid ay ka dhamaato dhibta iyo dagaaladu,waana shay dabiici iyo sunne u ah sida Ilahay Quraankiisa ku sheegay iyo Axadiista nabiga oo markasta inoo cadaynaysa in uu Aduunku yahay daarti dhibatada.

Hadaba dhibatooyinkaasi iyo dagaladaasi ayaa inta badan waxa ay ka yimadan amma ay ka aasaasmaan iska hor-imaatin iyo is-fahan waa dhinacyo badanleh oo ka dhex abuurma,dawlado,gobollo iyo qabaa’il meel wada dagan,kuwaasi oo markasta ku kale aragti ku noqonaaya nidaamka markaasu u dajisan iyo dheeli tir ku yimaada cadaalada.

Iyada oo aduunka oo dhami la odhan karo waxa uu soo maray dagaladasi aadka u kala wada gadisan ,hadana wakhtigan xaadirka ah waxa aad mooda in wali dagaladaasi ay kusii baaqi yihiin badan koodu qaaradda Afrika oo aanay marnaba ka dhamaan.

Gobolka iminka loogu magac daray ismaamulka Somalida ee Itoopiya ama sida dadka qaar u yaqanaan Kililka shanaad ,waxa uu ka mid ahaa dhulkii waayo waayo la odhan jiray shanta Somalida ,waxaanu ahaa dhulkii uu gumaystahii Ingiriisku ku wareejiyay dalka Ethopiya .

Gobolkaasi Inkastoo aanay hadal-haynta warbaahintu ku badnayn ,lagana warhaynin waxkasta oo dhacaaya, hadana waxaa jira dagaalo aan sidaasi u waynayn iyo isfahamwaa ka dhaxeeya ONLF iyo Iitopiya ,

Asaaskii Jabhadda:

Sida aan filaayo waxaa la aasaasay Jabhadan tariikhdu markii ay ahayd 15/8/1984- taasi oo ay aasaaseen xubno deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkaasi Somalidu ay degto ee Itoopiya.

Intii aan jabhadan la asaasin magacan ONLF waxa uu ahaa mid u shaqeeyaa qaab Xisbiya oo markaasi Itopiya ka jira lagana aqoon san yahay,iyada oo ay jirtay wakhtigaasiba dad yaw badan oo diidan in magacan loo bixiyo Xisbiga madamaa ay ka muuqato astan Qabiil.

Wakhtiyar ka bacdina waxa isaguna marba marka ka danbaysa sii yaraanaayay Ogadeenka laftiisa, kadib markii dhismahii Itopiya loo badalay nidaam maamul goboleedyo, kadibna si xoogle ay Itoopiya uga herkeentay ciidan loogu magacdaray Liyuu-Boolos oo aad is odhanayso malaha waxa loo dhisay oo kaliya in laga horgeeyo ONLF.

Sida ay dad badani ay qabaan inkastoo ciidankaasi Liyoo-boolisku aanay ahayn ciidan si fiican u tababaran isla markaana aan lahayn haba yaraate qaab dhismeedkii iyo hanaankii ciidanimo,dad badan oo ismaamulka somalida degenina ay cabashooyin ka muujiyeen,hadana ciidankaasi waxa aad moodaa in uu ONLF uu meel iska saaray.

Tariikhdu markii ay ahayd , September 1998-kii waxaa hoggaankii iyo maamulkii jabhadda ONLF oo uu gudoomiye ka ahaa Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo halganka jabhadda xilligii ugu adkaa soo maray ,waxa uu gudoomiyahii jabhada ku wareejiyay Maxamed Cumar Cismaan oo ka mid ahaa sarakishii cidamadii Badda ee Somaliya ,kaasi oo ah ninka illaa hadda ku fadhiya gursiga gudoomiya nimada Jabhada.

Hadaba ujeedka qoraalkaygu ma’aha in aan wax iska waydiinaayo ONLF ma xaq ayay ku dagalamaysaa misee xaq darro ,balse waxa aan doonayaa in rayigayga aan usoo gudbiyo dad waynaha Somaliyeed iyo wax yabaha aan isleeyahay sabab ayay u noqon karaan in Jabhada ONLF muddo dhan 35 sano ay midho ka keeni waydo ,halganka hubaysan ee ay kula jirtay dawlada Ethopiya .

Sida aad ka wada warqabtaan waxyabahii ugu wawaynaa ee Jabhadan ku kalifay in ay bilawdo halganka hubaysan ayaa waxa ka mid ahaa , kadib markii ay Dawladii Somaliya ee majaraha u haysay Halgankii WSLF iyo Xukuumaddii Ethopiya uu Heshiis ku dhex maray Wadanka Jabuuti, iyada oo ku heshiiyey in ay dawlad waliba soo afjarto Jabhadaha hubaysan ee wadankeeda ka hawl gala , taasi oo ay laba dawladood u arkayeen in ay maslaxadoooda ay tahay, heshiis kaasi oo dhacay 1986-kii ,inkastoo heshiiskaasi uu jabhado badan sameeyay,sida SNM oo iyadu markiiba si dhakhso ah u muujisay hadafkii ay lahayd.

Hadaba tan iyo wakhtigaasi waxa ay jabhadu soo martay marxalado kala wada gadisan,waxa ay soo gashay dagaalo aad u badan oo la odhan karo ilaa hadda wax midha dhal ah oo la taaban karo kamay keenin,aan ahayn dhimasho iyo dhaawaca oo batay .

Wixii ka horeeyay 1991 Jabhada ONLF waxay si qarsoodi ah hawl-galadeeda dagaal uga soo abaabuli jirtay Gudaha dalka Soomaaliya,balse markii ay burburtay dawladii Somaliya ee gacanta xoogaleh siinaysay waxay jabhaddu isugu biya shubatay in ay noqoto mid magac ahaan uun u jirta,mararka qaarna hawlgallo aan sidaasu u dhumuc waynayn Itopiya gudaheeda ka sameeya.

Shirwaynahii Jabhadda ONLF

Intaa kaa dib Jabhada ONLF waxa ay qabsatay shirwayne ay u dhan yihiin dhamaan dadkii iyo madaxdii tabacsanaa fikirka ONLF , shirkaas waxaa lagu qabtay Magaalada Garbo, shirkaasi wuxuu ahaa daah furkii ugu horeeyey ee siyaasadda ONLF ilaa hada ay ku dhaqanto,waana shirka la odhankaro waxa uu sabab u yahay in Jabhadu ay noqotto mid magac uyaal ah kadib markii magaca Ogadeen loogu wanqalay jabhada ,kaasi oo markii danbe caqabad iyo taako xoogle ku noqday hadafkii Jabhada.

Magacan Ogadeeniya asalkiisu waa uun Magaca qabiilka Ogadeen,waxa ay ku doodan dadka qaar ka mida tageerayasha jabhada ,in uu magacan Ogadeeniya uu bixiyay gumaystihii Ingiriisku,balse taasi waxa ay u cuntami wayday dad badan iyaga oo ka dhandhansaday magaca qabiilka Ogadeen.

Yaan loo qadanin in aan kasoo horjeedo amma aan dacayad ku furaayo jabhada ONLF xaasha ,balse waxa aan iftiminayaa xaqna aan u leeyahay ,in ay qalad tahay ,in dhul ay Somali oo dhami ay wada leedahay in qolo gaari inta ay tunka u ridato in ay Magaca ay doontana ay u bixiso.

Caqabadaha kale ee dhinaca qabiilka ah ee ONLF ay la dhaqaqi wayday waxaa kaloo ka mid ah :iyada oo reerka uu kasoo jeedo gudoomiyaha jabhadu, Adhmaral-Maxamed Cumar Cusmaan loo tiriyo in uu si gaar ah ula weecday dhaqdhaqaaqii iyo hirgalintii magaca jabhada ,loona arkay in uu yahay nin aan diyaar u ahayn in uu xilka wareejiyo,iyada oo uu kursiga ku fadhiyo muddo aan ka yarayn labaatan sano ku dhawaad.

Waxaa kaloo ka kamida dhibaatooyinka ugu waawayn ee ONLF haysata ,iyaga oo aan saxiib ku lahayn dawladaha la jaarka ah Ethopiya ,sababta oo ah dawladahaasi waxa ay rumaysan yihiin in markasta laga hortago waxkasta oo la isleeyahay waxa ay carqalad ku noqon karaan xasiloonida geeska Afrika ,waana mida keentay, in ash’khaasta lagu tuhmo in ay ka tirsan yihiin ururka ONLF,loo gacan galiyo dalka Itoopiya,mararka qaarna laguba qaldamo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culays yadii waawaynaa ee ONLF kusoo biiray 2010 waxa kaloo mid ahaa, kadib markii ay garab kooda ka baxeen jabhadii la magac baxday (UWSLF) (United Western Somali Liberation Front) ee uu gudoomiyaha ka ahaa Sheekh Ibrahim Maxamed Xuseen (Ibrahim Dheere) kaasi oo markii ay tariikhdu ahayd 29/6/2010 heshiis midha dhalay la galay dawlada Ethopiya ,kasoo 1992-2010 dagaal hubaysan kula jiray dalka Ethopiya aakhirkiina loo aqoonsaday ururkii Islamiga aha ee Al-itixaad .

Waxaa kaloo jiray caqabado aad u waawayn oo ONLF dhexdeeda ka dhex abuurmay, sida murankii uu keenay dilkii Dr Maxamed Siraad Dolaal oo 17/1/2009 lagu dilay meel u dhaxaysa Qabri-tahare iyo Dhanan .

Dr-Dolaal oo sida la sheego ahaa maskaxdii iyo hal-abuurkii ka danbeeyay jabhada ONLF ,ayaa hadana waxaa dilkiisa loo nisbeeyay ,Gudoomye Maxamed Cumar Cusmaan ,sida ay warbahanta xiligaasi ay u cadaysay Xaaskii uu ka dhintay Marxuumku , inkastoo ay markii danbe Ethopiya cadaysay in ay iyadu dilkaasi ka danbaysay.

Waxyabaha kale ee Jabhada u diiday in ay halgankeeda hore ugu socoto ayaa waxaa ka mid ah ,dawladaha Aduunka oo dhan oo kasoo horjeestay in ay u aqoonsadaan Xornimo doon ONLF sababta oo ah waxa ay saxiib dhaw iyo mid dheerba ay la yihiin dalka Ethopiya ,sidaas awadeed ma jecla in ay dhagaystaan cidkasta oo Ethopiya wax ka sheeganaysa ,marka laga yimaado ururo kooban oo u dooda xuquuqda Adanaha oo mararka qaar Ethopiya ku eedeya in ay xad-gudubyo ka gaysato dhulkaasi Somalidu ay degto.

Caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysta Jabhada onlf waxa kale oo ka mida,ma haysato dhul ku haboon oo ay kasoo dagaalami karto.,marka laga reebo in ay ku dhex dhuumaalaysato dhulka cidlada iyo kaymaha u badan ee ku yaala gobolka ay ka dagalamayso ee Somali Itoopiya , kaas oo ay marba ku fuliso weeraro “ku dhufoo ka dhaqaaq ah”.

Jabhada onlf uma suura gasho in markasta hesho hub iyo aalad tayo leh oo ay iskaga caabido ciidanka xooga waynleh ee Ethopiya ,waxa kaliya oo mararka qaar ay hubka ka heshaa waxa uu yahay dhul yawga aan xasiloonayn ee ka mid ah Somaliya ,taasi oo ay dhici karto in ay mararka qaar kasoo iibsadaan hub tuugo ah,balse aan waxbadan ka difaaci karin.

Inkastoo wakhtiyada qaar ay Jabhada dagaalo hubaysan ay iskaga hor-iman jireen cidamada dawlada dhexe ee Ethopiya ,balse hada arintu waa ay ka duwan tahay sidaasi,ciidamada onlf waxa ay maalin iyo habeen is-weetaynayaan cidaan loo tababaray dawlad deegaanka Somalida oo la magac baxay Liyuu Boolis,kuwaasi oo jif iyo joogba u diiday jabhadii onlf.

Waxaa kaloo farta lagu fiiqi kara in uu jiro waxoogaa horu-mar ah oo laga sameeyay ismamulka Somalida ee Ethopiya,arinkasi laftiisu waxa uu shiikhin karaa halgankii ay ku jireen jabhada onlf ,isaga oo dabool ku noqon kara waxyabo badan oo ay gobolka ka dibu-dhaciisa ka sheegi jireen.

Jabhada onlf wixii ka horeeyay 2005 waa ay ku adkayd in ay helaan wax dhaqala ah oo kasoo gala dadka iyagu ku qanacsan fikirkooda ee qurbaha ku nool ,balse waxa aad mooda tariikhdaa laga soo bilaabo ilaa hadda in ay heleen waxooga dhaqala ah oo aan baydnayn oo ay ka ururiyaan jaalinyaad fara-badan oo dibadaha usoo qaxay ,kuwaasi oo iyaga laftoodu ay qayb ka ahayeen in ay dibadaha usoo baxaan amma soo Tahriibaan.

Jabhada ONLF iyo madaxdeeduba waxa ay ku liitaan ama aanay aqoon u lahayn waxa layidhaado warfaafinta amma saxafada ,taaso ah mida kaliya ee maanta aduunka meelkasta oo wax ka dhacaanba lagu ogaado.

Been sheegi maye waxa aan in badan waraystay dad yaw kala gadisan oo Soomali ah ,dadkaasi marka aan sadax meelood u qaybiyo midkastana aan ka waraysto bal in uu war iyo wacaal ka hayo halganka jabhada OLNF waxa ay iigu jawabaan:-

1.Dadka dhalinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 18-30 jirku waxabay ku odhanayaan maanaan maqal jabhadaasi layidhaa OLNF .

2.Dadka da’doodu u dhaxayso 30-40 kuna waxa ay ku odhanayaan ,marmar ayaanu ka maqalna dawlad deeganka Somalida oo hadal haysa.

3.Dadka da’doodu u dhaxayso 40-70 kuna waxa ay hadal kugusoo gunanadayaan ,miyanay jabhadaasi wakhti hore Ethopiya la heshiin.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in halgankani cidlo ku dhamaday , iyada oo Aduunku maanta uu ku jiro xiliyadi ay saxafadu ugu afka dheerayd.

Guntii iyo gunaanadkii qoraalkayga:-

Wakhtigan xaadirka ah Itoopiya waxa ay gashay marxalad cusub oo tii hore aad uga duwan,waxa la doortay Ratysal wasaare cusub oo talabooyinka siyaasiga ah ee uu qaaday ay u eegyihiin kuwo wax badan ka badali doona hanaantii iyo jidkii ay hore u haysay Itopiya.

Waxa uu furfuray waxbadan oo markii hore aan la taaban karin,waxa uu sii daayey maxabiis badan oo aan la filayn in Itopiya xabsiyadeeda ay waligood kasoo baxaan,waxa aad moodaa in uu Itopiya ka dhigaayo Itopiyo cusub oo la jaanqaada Dunida.

Hadaba Jabhadii Magac-uyaalka ahayd ee ONLF ma lagaba yabaa miiska wadahadalada ay ku khasabto hanaanka iyo siyaasada cusub ee Itopiya kasoo ifbaxaaya,mase dhici kartaa in wakhtigan xaadirka ah iyaga laftooda ay u fiican tahay in ay dadkooda dhinac ka racaan,madamaa ay ku adkaatay in ay halgankii ay bilaabeen ay ka midha dhaliyaan siyaasad xumadii ay dhaqmeen awadeed.

Wa bilaahi tawfiiq.

W/Q: khadar Ibrahim Aar

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker