MAANSO . DHAKA FAQASH
Maanso . dhako faqash
Keene iyo kordhiye
Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib bal ii waran
Anigu waan yaabanaye .
Waa tanoo wax aynaan weligeen aragbaa soconaya dalkan
ย burburaya dadkiisii mee .
kordhiye.saaxiibย ย Wadadii hore mid boqol jeer ka xun ayuu raacay
waa yey raqaysa iyo ey difaacaysa iyo qabyaaladii oo la cadaystay
immikana waa afartii .
maanso . dhako faqash.
Dhako faqash ayuu saran yahay
Dhaamiskii qarane
Dheelibaanay awrtii yihiin
Dhiilihii sidaye
Dhangaa gaalayaal-baa qabsaday
Dheemantii wacane
Dhukus iyo badheedh iyo si kale
Dhuraha loo qaadye
.
Ninba dhinaca uu jooga iyo
Maqalka loo dhiibay
Sida maal isagu uu dhaqdaa
Loo dhufsana yaaye
Dhaka faar ayay shacab yihiin
Dheeshan foosha xune
Waxay dhawrayeen dawlad nimo
Ay dhadhamiyaane
Balse dhaca in yari qaadataa
Dhiilka loo tolaye
.
Dhiiran waa ninkii geesihaa
Xeeri yay dhimane
Se haddaan dhababacada qaar
Dhimis la soo gaabin
Inay dhuun cas talin doontabaa
Looga dhaadhiciye
Ayaan dhoonbir kaa toos la odhan
Dhibana loo yeedhan
Dhabba madaw ayaan goor saq dhexe
Maato dhabaq laynin
Ayaan dhahar sidiisii durduro
Laysku wada dhaafin
.
Daaraha kan dhaadheer ayay
Dhalan madoobaanin
Dhuun hoose waxay fuukh satee
Dhooban godad hoose
Ayaan ololku dhinacyada ka gelin
Dhabana hays keenta
Waa digniina dhegihiina sii
Waa dhab baaqaniye .
Guuleed liibaan
ย snm 1710@livecom