Barnaamij tebiyihii derbi jiifka noqday

Kimani Mbugua oo hore uga soo shaqeeyay telefishan ku yaala dalka Kenya ayaa sheegay, inuu haatan hoy la’aan yahay isla markaana uu caawimaad weydiisanayo taageerayaashiisa iyo samafalayaasha kala duwan.

Waxaa uu ka soo shaqeeyay mid kamid ah warbaahinta ugu weyn dalka Kenya, Citizen, wuxuuna soo tebin jiray barnaamijyo.

Todoba iyo labaatan sano jirkan ayaa kamid ahaa dhalinyarada ugu fir fircoonaa saxaafadda Kenya, kahor inta aysan shaqadiisa wariyenimo soo af-jarmin sanadkii 2020 kii.

Waxaa uu sheegay in labadii sano ee u dambeeyay uu shaqo la’aan ahaa. ‘Dhibaato ayaa i heysata, garab ayaanna u baahanahay’, ayuu ku yiri muuqal uu iska duubay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker