Rag Lagu Eedeeyay Argagixiso Oo Lagu Dilay Sacuudiga
Ciiddanka Ammaanka ee Sacuudiga ayaa sheegay inay 8 qof oo hubeysan ku dileen Hawlgal ka dhacay Gobalka Al-qatif ee Bariga dalkaas.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jesiiradda Taruut oo ku taalla meel ka baxsan magaallada Qatif, lana beegsaday koox cusub oo Argagixiso oo halkaas lagu asaasay, waa sida hadalka loo dhigay.
Dableyda la dilay waxaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumaha Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addo kale.