Wasaaradda Waxbarashadu Waxa Ay Noqotay Ceel Lacag ah! WQ Axmed-xiis Dharbaan

Faqash yay ahayd?  Faqash dad ba lagu sheegaa!  Wax ay gacan u qadaan, iyagaa ugu horeeyey.  Faqash waxa ay ahayd in dhadhama raaca oo cid walba leh; darajo raac, darajo aanu u qalmin raba.  ~  M. I. Cigaal

Somaliland waxa maanta haysta DARAJO RAAC. Ma qabo talada waxa haya REER.  Xukumadda hada jirta, waa mid ka bilaabmaysa MUUSE BIIXI. Illo kale gadisan waxa aan ka hellay, Muuse waxa uu shaqaalaha ku xushaa saddex masalo oo kale ah:

  1. Is-dulayn:  Muuse ma jecla qof isaga ka caansan; qof shacbiyad badan wata, xataa ma jecla qof isaga ka xarago badan.  
  2. Muuse waxa uu xushaa masuuliyiin uu is leeyahay, waxa ay awoodaan jeebkooda in ay u isticmalaan hawlaha laso darsa.
  3. Qolada saddexaad ee u dirsado Muuse, waa rag iyo haween uu aqoonsan yahay aabayashood ama abtirsiintooda.

Wasaaradda Tacliinta waxa jooga hawl-wadeeno uu xushay Muuse. Ma jirto beel ku callaamadsan wasaaraddaas.

Shaadhka tacliinta waxa loo kala qaybiyaa saddex waxood oo mid waliba ay leedahay miisaaniyad u gaar ah:  

 
  • Wasaaradda Waxbarashada:   $17 Million 
  • Agaasinka Tacliinta Sare:         $717 947 
  • Guddida Tacliinta Sare:            $259  890

Wadarta lacagtaasi, waxa weeye 18 milyan oo doolar sanadkii, waxa dheer malaayiin kale oo laga hello haayaddaha caalamiga ah.  Lacagtaa xooggeedu, waxa ay ku baxdaa mushahar, gunno iyo qalab ay iibsato wasaaraddu.  Mushaharka ay qataan macalimiintu marka laga yimaado, inta kale waa lacag aan loogu shaqayn qaranka.

Haddii aad eegtaan magacyada lagu qaato lacagta, waxa ka mid ah:  Iibsiga wargaysyada, martiqaadyada, dhiirigalinta, kharashka kormeerka, iyo imtixaanka.  Imtixaanka oo nuuga lacag  xoog ah, waxa aan la fahmi karin sababta ardayda loo imtixaamayo. 

 
Ma mar labaad ayuu dhalanayaa ilmuhu?  Sawkii RABBI hore ugu farayaraysan abuurkiisa?  Waxbarashada Somaliland oo ah nooc dhacday, ujeedkeedu waxa weeye:  Caruurtu waa weel madhan oo wax lagu shubayo.

12 sano ayaa caruurta si darandoori ah loogu garacaa khabar intiisa badan aan qusayn ardayda oo laga soo waariday waddamado shisheeyo.  Halka ay ahayd in caruurta lala sheekaysto; la qiimeeyo rabitaankooda oo lagu hago xirfadda uu mid waliba ku wacan yahay.

Haddii ay wasaaradda waxbarashadu noqotay ceel ay u shaqo tagaan aggaasime waxeedyada ugu badan; ayna ka mid tahay wasaaradaha ugu hawl wadeenada badan, waxa la is waydiin karaa, maxaa ay qabanayaan labada guddi ee kale?

Labada guddi: Agaasinka Tacliinta Sare iyo Komishanka Tacliinta Sare, waa laba haayadood oo aan la aqoonsanayn shaqada rasmiga ah ee ay u hayaan qaranka.  Qolo waliba waa rag/haween suuqa laga ururiyey oo halkaa looga jeexay gacan ay ka nuugaan cashuurta ummadda.

Labada guddi iyo Wasaaradda ayaa isku qasan, lamana sheegi karo waaxda qaabilsan siyaasadda waxbarashadda.  Saddexda haayadood-ba waxa magacaaba madaxweynaha.

Tacliintu kuma aha maddi haayadaha la iska buuxiyey ee maanta la ciirciiraya shaqaalle been been ah oo kaliya halkaa u jooga mushahar balse, wasaaradaha waxa toonsan shaqaalle ku yimid:  Hebelna ku qor wasaaraddaas.  Qarankii waxa uu noqday buudhi aan dhinacna u dhaqaqayn waayo, waxa aan jirin shaqaalle wata aragti ay dhinac uun ugu dhaqaajiyaan wasaaradaha la geeyey.

 

Tacliinta waxa laga rabay in ay la jaanqaado baahiyaha dhalinyarta iyo isbedelka ka socda dunnida.  Looma baahnayn haayaddo fara badan

Wasaaradda iyo labada guddi waxa ay u badan yihiin dad hawl-gab ah oo ku jira gabagabadda cimrigooda.  Ma aha masuuliyiin haya tamar ay ku curiyaan siyaasad waxbarasho oo cusub; mana awoodaan in ay qodaan hibada ku kaydsan ardayda.

Axmed-xiis Dharbaan

Nantes France
dharbaan00@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker