Ninkii Sawirrada Ku Aflagaadayn Jiray Nabi Muxammed NNKHA Oo Shil Baabuur Ku Dhintay Noloshana Ku Gubtay

Lars Vilks oo muddo dheer cadho ay u qabeen dadka Muslimiinta ahi kadib markii uu Nabi Muxammed NNKHA ku aflagaadeeyey sawir Gacmeedyo ayaa waxa uu xalay ku dhintay shil baabuur oo xun oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada Markaryd ee dalka Sweden.

Ninkan iyo laba qof oo boolis ah ayaa ku safray baabuur. Sida laga soo xigtay kooxaha adeegga gurmadka degdegga ah, gaadhiga ayaa sabab aan la garaneyn dhinaca qaldan ee waddada u marey taasi oo keentay in gaadhi weyn oo xamuul ahi uu dusha ka maro gaadhigii uu ninkani saarnaa halka ay ku qudh baxaan dhammaanba isaga iyo xubnihii kale ee la socday. Waxaana dhacday in Baabuurka uu saarnaa uu markiiba dab qabsaday sidaana ku hurushoobeen maydadkii uu isagu ka midka ahaa.

Ninkan sawirrada kartoonka ah samayn jiray ee Lars waxa uu In ka badan toban sano ku noolaa meel qarsoodi ah, oo si joogto ah loogu ilaaliyo kadib Weerarkii isaga lagu qaaday magaalada Copenhagen kaasi oo galaaftay nolosha laba qof. Laakiin kama qoomamayn marnaba gabood fallada uu sameeyey ee sawirrada ah. “Kama qoomamayn marnaba waxa aan sameeyey, Maya, marna” ayuu yidhi Lars Vilks wax ka yar ka hor toddobaad oo wax laga waydiiyey falalka uu hore ugu kacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker