Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Gaara Ugu Tacsiyadaynayaa Geeridaasi Golaha Wakiilada Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa.