Dibadbaxyada Hong Kong: Burcad hubaysan oo weerrartay xarunta tareenka ee Yuen Long

Tobannaan rag hubaysan ah oo afka soo duubtay oo budad watay ayaa waxa ay weerrareen xarun tareenka laga raaco oo ku taal degmada Yuen Long ee Hong Kong.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxa uu muujinayaa rag ku labisan fanaanado cadcad, kuwaas oo dadka ku weerrarayay goobaha tareenka laga raaco iyo gudaha xarunta tareenkuba.

 

45 qof ayaa halkaas ku dhaawacantay iyadoo hal qofna uu xaalad culus ku sugan yahay.

 

Kooxdan weerrarka gaysatay ayaa waxa ay dibaxayaasha dimuqraadiyadda taageeraya u raaceen isu soo bax lagu qabtay bartamaha Hong Kong, halkaas oo booliska la dagaalama rabshada ay dibadbaxayaasha la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo rasaasta cinjirka ah.

 

Ma  cadda kooxdaasi waxa ay ahaayeen, hasayeeshe waxa ay weerrareen rakaabka iyo dadkii ka soo laabanayay dibadbaxa.

Bayaan ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in degmada Yuen Long “ay isugu soo Urureen  dad goobaha tareenka laga raaco iyo dhismaha xarunta halkaas oo ay rakaabka ku weerrareen”.

“Taasi dhab ahaantii waa wax aanay aqbali karayn bulshada Hong Kong ee adeecda sharciga iyo kala dambaynta. Dowladda ayaa waxa ay si xooggan u dhaleecaynaysaa qulqulatada waxa ayna qaadi doontaa tallaabooyin ay sharciga ku fulinayso.”

Booliska Hong Kong ayaa sidoo kale sheegay: “Dad ayaa waxa ay rakaabka ku weerrareen goobaha laga raaco tareenka ee Yuen Long iyo dhismaha xarunta tareenka, halkaasna dad badan ayaa ku dhaawacmay.”

 

Kooxda ayaa waxa ay abaare 22:30 waqtiga maxalliga ah  ee Dalka Hong kong  weerareen xarunta tareennada ee Yuen Long, saacado kaddib markii ay aagga Sheung Wan madaxa iskula galeen dibadbaxayaasha iyo booliska galinkii hore ee Axaddii.

 

Yuen Long waxa ay ka yara baxsan tahay magaalada Hong Kong oo waxa ay ka fogtahay goobta ay ka dhacaeen dibadbaxyada dimuqraadiyadda lagu taageerayo.

Maxaa Axaddii ka dhacay goobta uu isu soo baxa ka dhacayay?

Booliska la dagaalama rabshada ayaa sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo rasaas cinjir ah waxa ay ku ganeen dibadbaxayaasha Hong Kong ee ku sugnaa isu soo bax ballaadhan ee dimuqraadiyadda lagu taageerayay, waxa ayna dacwado ku soo oogeen dibadbaxayaasha walxaha  ku soo tuura xariiqa booliska.

 

Halka ay dibadbaxayaasha ku socdeen ayaa laga hor istaagay iyagoo loo sheegay in ay ku joogsadaan Wan Chai halkii ay tegi lahaayeen Bartamaha magaalada halkaas oo ay ku yaallaan xafiisyada dowladda.

 

Ilaa 4,000 oo boolis ah ayaa halkaasi loo daadgureeyay.

Bonnie Leung oo ka tirsan hay’adda the Civil Human Rights Front ayaa hogaamiyaha Hong Kong Carrie Lam waxa uu ugu baaqay “inaysan iska dhegatirin dalabaadka dadka Hong Kong”.

Dadka soo qaban qaabiyay dibadbaxa Axadda ayaa sheegay in dad ka badan 430,000 oo qof ay ka qeyb qaateen isu soo baxa hasayeeshee booliska ayaa sheegay in tiradu ay tahay 138,000.

Dibadbaxyo ballaaran oo socday muddo todobaadyo ah ayaa waxa ay ku bilowdeen heshiis dadka loogu dhoofinayay dhul waynaha Shiinaha hasayeeshee haatan dibadbaxyadu waxa ay ku saabsan yihiin arrimo dimuqraadiyadda la xiriira oo Hong Kong ka jira.

Gelinkii dambe ee Axaddii ayaa boolis indhaha xirtay oo gaashaamo wata ayaa waxaa la arkayay iyaga oo ku sii qulqulaya meel u dhaw dibadbaxayaasha oo ku sugnaa bar laga raaco doonyaha oo ku taal gudaha jasiiradda.

Sawirrada laga qaaday xafiiska Shiinaha u qaabilsan Hong Kong, oo ku yaal dhismaha Dowladda Shiinaha, ayaa waxa ay muujinayaan in dhismaha sawirro iyo qoraallo lagu xardhay. Mid ka mid ah ayaa waxa ay sheegayaa: “Waxaad na barteen in isu soo baxyadayada nabadeed aanay waxtar lahayn.”

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker