Xadhiga Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Waddani Maxamed sadiiq dhame waxaa maanta loo gudbiyey 8-da hayadood ee udooda xuquuqal insaanka. Fidhinle UK
CANBAARAYN XADHIGAย Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani
Aniga ย oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobadaย 1,2,3,5,7,9,10,11,13 faqradaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20.
Iniga oo ka duulaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.
Inigoo isna tixraacaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub ee dhaqan galay 1.6.2010, gaar ahaa qodobadiisa 3,5, 6-faqradaha1,2,3 xarfahaย A,b,c, dย & e, qodobka 7-aad faqradaha 1 & 2; qodobka 9-aad faqradaha 1&2; qodobka 10-aad faqradaha 1&2; qodobka 11-aad ย faqradaha 1& 2.
Aniga si gaar ah u qaderinaaya sida uu qeexayo Dastuurka Jamjuuriyadda Somaliland, Cutubkiisa Seddexaad qodobada 21-aad iyo 36-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah.
Dhammaan qodobada kor ku xusan eeย ay kow ka yahiin Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Axdiga Xuquuqda Aadamahaย ee Dadyowga Midowga Afrika, Axdiga Xuquuqda Aadamaha Midowga Yurub, iyo qodobada 21-36 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuda Bani-aadamka.ย Xuquuqda Aadamaha ayaa u qaybsan laba qaybood oo kala ah:
1- Mid Ilaahay aadamaha gaar u siiyey sida ku noolaanshaha xornimada iyo nabadgelya shakhsiga
2- Qayb ka dhalatay horumarka iyo ilbaxnimada uu aadamuhu horseedka ka yahayย sida:
- Xoriyadda hadalka
- Cabdiridda Xoriyadda fikirkaย
- Xoriyadda dhaqdhaqaaqa
- Xoriyadda Caqiida ama diinta
- Xoriyadda ka mid noqoshada ururada siyaasadeed, ganacsi, aqooneed, xirfadeed iwm
- Xoriyadda ka qaybgalka ururada horumarinta bulshada
- Xoriyadda cod-bixinta oo shakhsiga la doorankaro isna wax dooran karo.
Waxaa dhamaan xeerarkan aan kor kuย sheegayย ka wadaย digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga iyo shuruucda Dastuurka qaranka.ย haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo.
Sidaa marka xaalku yahay waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga taas oo ay xaaraan tahay in aan awood dowladeed iyo mid ciidan,ย aan qofnaย xoriyadiisa looga xayuubin karin, xabsina loogu ridi karin gaar ahaan Gudoomiye xisbi qaran oo xasaanadiisa wata oo aan la qaban isaga ooย denbi faraha kula jira.
Waxaa xukuumadda cod dheer loogu sheegayaaย inย Gudoomiye Moxamed dhame xoriyadiisa si deg deg ah ugu soo celiso.ย ย Sida xukuumadda talada haysaa jejceshahayย Xisbiyada mucaaridka ย laguma sandulayn karo. Waxaanu maanta magaca muwaadinka u gudbinay dhamaan haydaha udooda xuquuqul insaanka ee wadanka ingiriiska ka hawlgala ku waas su’aalo ka waydiin doona Xadhigiisa Xukuumada dhawaan. waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 1- Amnesty International. …
- 2-Bail for Immigration Detainees. …
- 3-Campaign for Freedom of Information. …
- 4-Charter 88. …
- 5-Electronic Frontier Foundation. …
- 6-European Human Rights Centre (EHRC) …
- 7-Human Rights Watch. …
- 8- Islamic Human Rights Commission
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London