Dad iyagoo aroos ka jaasaya uu la dumay god ay biyo ku jireen oo dhintay

Ilaa lix qof oo qorsheynayay inay ka qeyb galaan xaflad aroos ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku dhex dhaceen god ay biyo ku jiraan xilli ay ciyaarayeen.

Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Kihunguro, ee deegaanka Ruiru ee duleedka magaalada Nairobi, caasimadda Kenya.

Dadka ayaa ku kor jaasayayay dhagax lagu daboolay ceel kaasoo kaddib la dumay, sida ay shaacisay warbaahinta Kenya.

Afhayeenka booliiska deegaanka Kiambu oo ay hoos tagto xaafadda ay arrintan ka dhacday ayaa sheegay in dadkan ay ku sugnaayeen xafladda arooska saaxiibkood, kaddibna 11 ka mid ah ayaa ku dhacay ceelka.

Booliiska ayaa sheegay in ceelku uu la dumay culeyska dadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker