Xukuumadda Xaaraandooka ah ee Xaraf IYO Xaq u Dirirka reer Xasan Dalab

Waxaan canbaareynayaa, falka  foosha xun ee  jidhdilka ah, hanti boobka ah, awood sheegashadda ah, ee lagula kacay haweenka  iyo maatadda  xaq u dirirka ah ee reer xasan dalab.  Waxaa intaa u dheer  in taliskan umala dooxa ah, uu xadhag ugu  darro haween iyo maati, hantidoodii laga boobaayo,   reer  Somaliland waa la is yaqaan, waana markhaatiga  nool ee  og in   beeraha  reer  xasan dalab si badheedh ah uu   madaxweynaha  Somaliland uga  boobaayo  dadkii  maatadda ahaa ee dhulkaa  lahaa   Xoog  dawladeed iyo ciidan uu madaxweyne Muuse biixi u adeegsadey.

Hanti boobka  ma aha mid ku cusub, Madaxweynaha  Somaliland,       Waxay Dadweynaha Somaliland ogyihiin   BEERTII  CISMAAN DACAS  , oo ilaa maanta  , madaxweynaha  Somaliland uu Sifo xaaraan ah, ku haysto.   Guriga   Madaxynaha Muuse biixi,  waa   Hantiddii   umadda  isagaa   xalaashadey.   sida  aanu ka ogaaney ila xog ogaal u ah, Hantidda Madaxweyne Muuse Biixi  , waxay noo xaqiijiyeen in, Hantidda ma guurtadda ah, ee uu Boobka iyo Sifooyin sharci darro ah ku qaayey Badan yihiin.
Haddaba  Markii  la islahaa, Muuse  biixi, maaanta oo uu madaxweyne noqdey, wuxuu  wax ka qaban doonaa, Qaran boobkii  Ka dhacay  Somaliland ee  ay sameeyeen  dawladihii hore, Wax ka qabasho ha joogtee, Madaxweyne Muuse biixi  isagaa  bilaabey oo  aabo u noqdey Dhaqan xumaddaa Umulaha  iyo maatadda looga boobaayo dhulkoodii iyo hantiddoodii, Haddii  aanu nahay  Shacabka  Somaliland,  waanu  aragnaa  sida  sharcidarradda ah ee  Shacabka loo  Boobaayo,  ee  uu madaxweynihii qaranku u boobaayo.
Shacabkii  Somaliland haddaanu  nahay, waanu   canbaareyneynaa  falkaa   bahalnimadda  ah, Xishood la’aanta ah, Sharcidaradda ah, ee hantidda  umadda iyo ta shacabka lagu boobaayo.
keyse Kahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker