XALKA QAADKA ETHOPIA KA IMANAYA – WAA QAADKA AY MAYDHAA WASAARADDA CAAFIMAADKA 8DA TODOBAAD EE SOO SOCDA.

Hadday QAADKA imanaysa SOMALILAND ay wasaaradda Caafimaadka kula wareegto wajaale gebigiisaba oo ay INTAAN dadka aanuu soo gaadhin aaanay soo marin ( process) in jawaankasta la dhex geliyo biyo xaraaradeedu gaadhsiisantay heer kul dilaya Virus ka COV19 DABADEEDNA KU Celiso dadkii lahaa kharashkuna qaadka dusha kasii fuulo oo yara qaali garoobo sidaa cudurka qaadka sido waa lagu yarayn karaa. Waa  hubaal inay qaadkale oo kulayl lagu  soo maydhin Keenaan hubaal wuxuu noqonayaa qaad ka  jaban ka wasaaradda caafimaadka soo maray markaa dadku way kala garanayaan. Ta labaad dadka waxaa la farayaa qaadka markaad iibsanaysaan fara QAAWAN ha ku taabanina illaa aad biyo  kulul gelisaan.  Sidani FIGRAD laakiin Xukuumadda  iyo wasaaradda caafimaadku way  sii develop karaan . Waxay talaabadani noqonaysaa  ka hor tag in dad aad u badani inaga dhintaan. Dadka  aan qaadka cunini waa inay ka fogaadaan labada bilood ee soo socda.

Waxyaalaha balwadaa ee mujtamacyadu ku ibtiloobaan sida gaaladu khamriga ugu ibtiloobeen bay soomaalidu qaadka ugu ibtiloobeen markaa dawladaha gaalada ahi khamriga ma ka joojin karaan dadka laakiin  dadka  ayey cilmigooda iyo garaadkooda kor u qaadaan oo dhibaatooyinka khamriga baraan waana mushkilad ay maamulaan dhibaatana ku hayaa mana joojin karaan. Inaga qaadku lama joojin karo qofka leh ha la joojiyo waa HABAR FADHIDA LEGDAN WAX UGA FUDUD.
QAADKU MAAMUL JOOGTA AH BUU U BAAHANYEY  IYO IN LA SAMEEYO WASAARADDA QAADKA OO WASAARAD AAD U MUHIIMA AH OO INAGA INOO GAARA WAAYO WAA DHIBAATO XOOG WEYN OON WADAMADA KALE  AAN HAYSAN.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker