Wefti Ka Socda Midowga Yurub Oo Maanta Hargeysa Kusoo Waajahan

Wararka ayaa sheegaya in maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ay kusoo wajahan-yihiin Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska.

Wafdigan lagu wado inay yimaadan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan.

 

Sida ay sheegayaan wararkan oo aanu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliand, ujeedka wefdigan ayaa ah sidii Arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo Xukuumad Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen.

 

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aanay ka madhneyn Arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka Kulmiye.

Image result for UN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker