Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Somalia oo Baarlamaanka Wadankaasi ku Eedaysay inay Faragaliyeen Shaqadeedii

Muqdisho (OWN) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yaray) oo ah Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa khamiistii todobaadkan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in shaqada guddiga ay baarlamaanku ku milmeen.

 

Xaliimo Yaray, oo warbixin siineysay guddiga ku  Meer gaadhka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan sameynta sharciyada kale ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka,

 

Ayaa sheegtay in shaqadii gudigeeda ay faro-gelin ku hayaan oo ay si dadban  U la-wareegeen baarlamaanku Arrintaasinaay tahay nasiib darro weyn.

 

“Gudigiina shaqadan ma ahan waajibkiina waa mid anaga noo taalo waxayna aheyd inaa annaga soo diyaarino waana caqabad taagan,” ayey Xaliimo Yarey u sheegtay ee guddiga isku dhafka ah.

 

Goobta ay hadalkan ka sheegeysay Xaliimo Yaray waxaa ku sugnaa ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna wararku sheegayaan in xubno ka tirsan guddiga ay qirsan yihiin doodda Xaliimo yareey.

 

Inkastoo ay Xaliimo Yaray iyo guddigeeda shaqadan u fasaxeen guddiga baarlamanka, hadane waxay sheegtay in arintan ay Abuuri karto caqabado kale oo hor leh.

 

Guddoomiyaasha labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan si wadajir ah u magacaabay guddiga ku-meel gaadha ah ee dhamaystirka Xeerarka kale ee sharciga doorashooyinka, waxaana arintan  hore uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker