War deg deg aha : Xubnaha Gudida Farsamada ee Labada Wadan oo Lagu Dhawaaqay

Weli waxaa dalka Jabuuti ka socda Wada-hadallada u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyada oo loo saarey guddi wada hadallada sii amba qaada,kuwaas oo Shirar kooda ku qabsan doona dalka Jabuuti.

 

 

Guddiyada ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka kala socda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,waxaana idin soo gudbineynaa Magacyada 6-da xubnood ee guddiga Soomaaliland u qaabilsan wada-hadallada Jabuuti iyo 7 Xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada Liiska Dowladda Soomaaliya ee wada-hadallada

 

 

1: Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha

2: Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed

3: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi

4: Guddoomiyaha Gudiga Madaxa bannaan ee fulinta & dib u eegsuta Dastuurka Maxamed Daahir Afrax.

 

5: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Saleemaan Maxamed Maxamuud.

6: la taliyaha Sare iyo Wakiilka Madaxweynaha ee Arrimaha Geeska Afrika.

 

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada Liiska Soomaaliland ee wada-hadallada

1: Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon.

2: Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin.

3: Marwo :Adna Aadan Ismaaciil, Ergayga Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

4: Wasiirka Xannaanada Xoolaha  & Kalluumaysiga Siciid Sulub.

5: Wasiirka Maaliyadda Somaliland dr Sacad Cali Shire.

6: Safiirka  Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

 

Sidoo kale dhawaan waxaan idiin soo gudbin doonaa Magacyada Guddiga farsamada ee ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya. Ee kala Soco Oodwaynemedia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker