Wasiirkii Hore Cadaani, oo La Sheegay In Uu Usii Gogolxaadhayo Waftiga Madaxweynaha Garnaqsigiisana Halkaa Kula Qaadanayo

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa La Sheegay, in uu Candhuuftiisa Dib u Liqey Kadib Markii ay Si hoose Maalmihii lasoo dhaafay Isku Xogwareysteen, Qaar Kamid ah Saaxiibadiisii Xisbiga Kulmiye ee Cariga Mareykan.
Sida ay Xaqiijiyeen ilo Xog-ogaal ahi, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, oo Indhawaale Hadalo adag Kusoo Beegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa La Sheegay in uu Isku Tusey in Hadaladaasi ahaayeen Kuwa Cadho badani, Ku Lamaanayd Islamarkaana, uu Madaxweynaha Talada Somaliland haya, Muuse Biixi Cabdi isku Tusey in ay soo Wada Qaateen Marxalad adag iyo Halgan dheer Sidaa daraadeedna ui ka hordhacay, in uu Wakhti Siiyo Kulan ay arimo badan Kaga Wada Sheekaystaan, Waxaanay Wararku Sheegayaan in uu Cadaani Isku Diyaarinayo, in uu Kulan La Qaato Saaxiibkii Xili uu Kusoo Beegan Yahey Dalweynaha Mareykan, oo uu Wakhti Xaadirkan Ku Sugan Yahey.
Jaaliyada Somaliland, ee Ku Sugan Cariga Mareykanka, ayaa abaabul Xoogan oo Soo Dhaweynta Madaxweynaha ah ku jira iyadoo Qaarkood Xiligan Bilaabern, Goosashada Tigidhka, ay Ku Tagayaan Washigton, oo Madaxweynuhu ka Dhawaan Ka Dagi doono gaar ahaana, Kuwa jooga Gobolada aadka ukala Fog ee Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker