Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Xayiraad Saarayo madaxda Carqaladaynaya Doorashada Somalia

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay xayiraad dhanka sodcaalka ah oo la saarayo madax iyo shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay “carqaladaynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Go’aanka Mareykanka ayaa salka ku haya ka gadaal markii ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya oo waqtiga kama dambaysta uu ku ekaa 25-kii Febraayo 2022, iyadoo madaxda Soomaaliya ay iminka qabteen xilli kale oo ah 15-ka Maarso.
Warsaxaafadeed lagu daabacay bogga Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa lagu yidhi ” hufnnaan la’aanta iyo adeegsiga ciidamadda amniga waxay wiiqeen qorshihii doorashada, taasi oo dib u dhacday in ka badan sanad”.
Warsaxaafadeedka waxaa kale oo uu ku yiri ninka ugu sarreeya diblumaasiyada Mareykanka ” Wariyeyaasha iyo xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya inay taageeraan hay’adaha dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta qorshaha ayaa lala eegsaday cagajugleyn, xarig iyo rabshad.

“Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u soo gebagebeyso doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha si hufan oo lagu kalsoonaan karo” ayuu yiri Blinken oo intaasi sii raaciyey.
“Dowladda Mareykanka waxay qiimeyn doonta tallaabooyin dheeri ah oo hoos yimaada siyaasaddan iyo agabka kale ee aan awoodno si aan kor ugu qaadno isla xisaabtanka iyo in aan taageerno geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya”
“Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inuu ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo hourmarka labada dal” ayaa lagu soo afmeeray warsaxaafadeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker