Wasiirka Biyaha Oo Xilalkii U Kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore

Ka wasiir ahaan aniga waxa igu soo beegma Agaasimayaal dhalinyara oo aanu shaqada si fiican isula jaanqaadno. Labadan masuul ee saaka aan xilka u kala wareejiyey ee Faraxda kula kala wareegay, Agsimihii hore ee wasaarada Horumarinta biyaha Jamaal Cabdi Muuse iyo Agaasimaha cusub ee Maxamed Yuusuf oo isna hore u soo ahaa maamulaha Cigaal Airport oo fahansan habka shaqada dawlada.

Jamaal waa nin aan kartdiisa iyo shaqo wanaagiisaba qirayo, waxaan leeyahy xilka kale ee laguu igmaday ee Agaasimaha dastuurka iyo xidhiidhka goloyaasha mar labaad Madexweynaha ku magaacabay waa ilaahy mahadii saxiib. Ragg badan baa duce qabe heshay adigu se Cvgaagi baa ku balaadhay waa kaftan aan idhi saxiibkay.

Maxamedoow shaqa inoo taala Somaliland oo dhan baa ina sugaysa oo wasaaradi mid hawl yar maaha. Maalin walaba waxa lagu odhanyaa Biyhiii halkay maryaan, masharuucii hargaeysa maxaa helay, Agaasime xaafadahaygii biyo la’aan baa ka jirta iyo wax kaloo badan. Runtii taasi waxay ku tusinyasa Masuuliyada wasaardeena saaran.

Gunaandkii dhamaanteen waxaynu ognahay muhiimada Biyuhu inoo leeyihiin iyo sida qof walaba oo biyo la’aantu u taaban karto. qof kastoo inagga mid ahi subaxii markuu toos haduu wuxuu ku cadaydo oo cabo waayo waa mushkilad. Gobolada barigana waxaan leeyahy waar waxaba yaan la istuhmin bari iyo galbeedkaba biyo laantu waa ka jirtaa se waa la kala baahi badanyahy. waxaan rajanyaa in dhawaan aan si degdega u soo gaadho gobolada bariga hadii Alle idmo.

Sulayman Yuusuf Cali “Koore ”
Wasiirka wasaarada Horumarinta biyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker