AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE JSL WAXUU DHANBAAL TACSI KA DIRAYAA GEERIDA MARXUUM XAASHI MUUSE XUSEEN

Axmed Xasan Carwo, isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, tafiirta, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Muuse Xuseen oo maanta oo ay taariikhdu tahay 28/03/2019, lagu aasay, xabaalaha Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxuu ahaa oday qaranka ilaa yareentii u soo shaqeeyey, noqdayna Duqa magaalada Hargeysa door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa aayaday Caasha Aadan Xaalxaali iyo walaaladeed oo uu hormood u yahay Doolaal Aadan, iyo walaaladey ilma Xasan Cabdi Carwo oo uu awoow u ahaa.

Alle heyna waafajiyo samir iyo duco.

Aamiin Aamiin Aamiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker