WAXAAN AHEY (TAXI-siile) LAAKIIN DAANTAA KALE MA TEGI KARO

Waxa jira dhibaatooyin badan oo bulshada haysta , waxaana jirta dhibaatooyin aanu qofku gaysan,  laakiin uu naftiisa ku waayi karo , sida aargoosiga oo kale .

Waxan telefoon u diray shirkadda tagaasida , waxaan ka codsaday inay ( taxi) ii soo diraan , markuu (taxi ) siilihii ii yimi , ayaan waxaan ka codsaday inuu daanta kale igeeyo , wuxuu ii sheegay inaanu tegi karayn  daantaa kale ee magaalada , laakiin wuxuu ii dalban doonaa (taxi) kale oo igeeya ,
Laakiin waxaan su’aalay , oo weydiiyay oo ku celceliyay sababta aanu u tegi karayn daanta kale ee magaalada , mar haddii uu yahay (taxi) siile  ? wuxuu ii sheegay in ay jirto dhibaato aanu isagu geysan laakiin nin ay isku qolo yihiin uu geystay .
Waxaan weydiiyey bal inuu ii sii faah-faahiyo ?
Wuxuu ii sheegay in nin ay isku hayb yihiini dilay nin kale oo ah qolada daantaa kale degta ?
Arinkii aad buu iiga yaabiyay , hadana waxaan weydiiyay , arintu goorta ay dhacday ?
Wuxuu ii sheegey , inay beri hore dhacday laakiin aanay ilaa iyo iminka dhamaan , sababtoo ah  qoladii ninka laga dilay weli may samrin , in kasta oo ay magtii qaateen , laakiin weli waxay ku taamaan , wallee ma ledno ilaa iyo inta aanu inan kayagii u aarayno .
Waxaan ninkii waydiiyay : miyaad wax lug ah ku lahayd arinkan ?
Wuxuu ii sheegay inaanu ogayn-ba goorta ay dhacday , qurbahana uu ku maqnaa .
Wuxuu kale oo ii sheegay in uu yahay nin gooxiisa maala , oo qoys balaadhan u xoog sada , laakiin  arintan oo kale dhibaato wayn ayay ku haysaa , isaga iyo qaar kale oo la mid ahba .
Hadaba dhibaatooyinka sidan oo kale ah ee aarka ku lug leh , ee qof -aan waxba gaysan loo dilayaa ama loogaga aarayaa qof aan lug iyo raad toonna ku lahayn .
Miyaanay khalad ahayn ? Ilaa iyo goormay arimaha sidan oo kale ahi sii soconayaan ?
Waa inaynu diinta baranaa , waa inaynu dawladnimada baranaa , waa inaynu dadnimada baranaa .
Waa in qofku waxa uu geysto isaga laga jaraa , oo aan qof-kale oo aan waxba ka ogayn laga jarin , wax aanu isagu geysan
Arinkanu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshada haysta , waxaan ahay (taxi) siile laakiin daantaa kale ma tegi karaayo , ma wax caqliga galaa ? magaalada badhna waan tegi karaa , badhna ma tegi karo .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker