Sida Ugu Dhakhsaha Badan Waa In Ay Isu Casilaan Masuuliyiinta Beesha Cimraan Ee Ku Fadhiya Kuraasta Taliska Muse Biixi.

Beesha Cimraan waxay mug iyo miisanba ku lahayd qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay ka qayb qaateen halkankii qadhaadha sidoo kale waxay door muhiim ah ku lahaayeen dib uu dhiska dalka iyo axdi qarameedyadii Somaliland dhidbaha loogu taagay.
Waxay qaybo muhiim ah ka ahaayeen xukumadii isaga danbeeyay Somaliland,xukumadii abdirahman tuur,xukumadii M.Haji Ibrhim Egal Iyo Xukumadii daahir Riyaale Kaahin Iyagoo ka asoo qabtay xilal wasiiro oo A ah.
Laakiin Sagaal sanadood oo xukumadaha Xisbiga Kulmiye Wadanka maamulaayeen waxay Hog dheer oo xabaal wadareed ah ku rideen saami qayb sigii beeshu ka heli jirtay xukumadaha, waxay soo xidheen ilin walba iyo albaab walba oo uu furna beesha iyado waliba beeshu sagaalka sanaba hiil iyo hooba la garab taagnayad Xusbiga Kulmiye iyo xukumadihiisa kala danbeeyay,laba jeerna soo saaray xusbiga Kulmiye.
Tan manta uu danbaysay maaha mid uu reerku qaadanayo laakiin waa mid maanta Taliska Muse Biixi ku hoogi doono,wax la qaadan karo maaha aynu wada xoogsano dheefta iyo dheecaankana waa igu kaligay muse iyo taliskiisu waxay geed dheer iyo mid gaabanba uu saran yihiin in ay Af-saar wayn saran albaab kasta oo iftin yari uga soo galaayo Beesha cimraan.
Maaha wax beeshu aqbali karto in Taliyii Sirdoonka Xilka laga qaado taa bedelkeedana reerka lagu macanaasiyo Badhasaab Ku Xigeen aan Macno badan ku fadhiyin,Beesha Cimraan ma cabato laakiin marbay hadasha waliba Hadal aan mid kale ka danbayn
Ururka dhalinyarada MIDNIMO ee Beesha Cimraaan Waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta beesha cimraan ee xilka ka haya Taliska Muse In ay sida ugu dhakhso badan uu baneeyaan kuraasta wadatashina ugu yimaadan Aqoonyahanka,Cuqaasha,Siyaasiyiinta Iyo Waliba Dhalinyarada Reerka.
Muse Biixi Abdi waxa uu noqon nin ogalaada in Saamigii Beesha Uu Bartaa dhigo ama nin reerkiisa shidhka danbe saarta oo ku qanacsan Qosalka iyo Sacabada ay ka ag tumayaan ku alshaqraarsan indhosarcaadka Taliska Muse Biixi.

 

 

Ururka Dhalinyarada Midno

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker