Hargaisa iyo Xamar haday Dib u Midoobaan ! in Gadabuursi Midoobo Xadka Ethiopia iska qaado ayaa ka dhaw Xamar sababahan dartood !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Sidii caadada ii aheyd ayaa waxa aan ka soo dukaansaday xalay meheradaha wararka maalin laha ah ee wakhtigu soo liso , waxa aan ka bogtay khudbad sanadeedkii Madaxweynaha Somalia; oo aad moodo xilli akhriska khud-badiisii in uu u muuqday Nin kalifan oo wax hiifsan balse waayaha ayaa warmaha ku gan oo ka dhigay tamar dari darteed wixii Somalia la isku odhan jiray mid ay rifeen wakhtiga iyo weheliye dahsoon.
Waxa aan millicsaday madaxweynaha oo si aan looga baran isaga iyo madaxdii ay isku abb wadaaga ahaan jireen oo Somaliland u gacan haadinaaya, waxa ay iigu muuqatay soo dabcidii ugu weynayd hadal ahaan iyo mooraal ahaan ba abid ee ka maqlo masuul madax ka ah koon-furta Somalia; balse qof ahaan walwal weyn ayey igu abuurtay waayo mustaqbalka dadka iyo gobolka aan ka soo jeedo ee Awdal ma’aha mid ay Dani ugu jirto Arimahaasi sababahan dartood:
1. Borama illaa Xamar waxa ay isku jiraan 1600km , oo macnaheedu yahay gobolkaasi iyo dadkiisaba noloshooda iyo mustaqbalkooda ha hoos geeyaan Xamar oo u jirta 1600km, halka Borama illaa Addis-ababa ay isku jiraan kaliya 700km, oo aan qabo in Addisababa uga xaq mudantahay; waayo horaa loo yidhi ( oodi abb ka dhow ).
2. Awdal oo Borama magaalo madax u ah iyo Awbare oo magaalo madax u ah Gadabuursiga itoobiya waxa ay isku jiraan 44km , ( kaliya Xadka ayaa kala qaybiyey walaalahaasi wada dhashay ) in Gadabuursi dib u midoobo oo uu xadka Borama dul-mara iska dhex qaado ayaa kadhow in uu xamar dib ula midoobo !!! isla markaana qabanqaabiyaan Dawlad Deegaan Ethiopia ka mid ah oo iyaga iyo beelaha kale ee wallaaladood ah wada yeeshaan; taasi ayaa uga faa’ido iyo macno badan dhan walba hadii ay noqoto in Xamar dib loogu Xiisoodo.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

3/4/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker