Dowladda Mozambique oo sheegtay inay dishay hogaamiyaha koox mintidiin ah

Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen hogaamiyihii koox jihaad doon ah oo xiriir la leh kooxda Daacish ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Bonomade Machude Cumar – oo sidoo kale loo yaqaan Ibn Cumar – uu hoggaaminayey fallaagada tan iyo markii ay dagaalkooda bilaabeen 2017-kii.

War qoraal ah ayaa lagu sheegay in lala dilay labo xubnood oo kale oo sarsare. Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada Bonomade Machude Cumar.

Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay hoggaamiye argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarradii ka dhacay gobolka Cabo Delgado, oo ay ku jiraan tobannaan qof oo lagu dilay hoteel ku yaalla Palma.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker