Dawlada Sucuudiga oo Xayiraadii ka Qaaday Xoolihii ugu Iman jiray Somaliland iyo Somalia

Raydh (OWN) – Wasaaradda deegaanka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha Uga Yimaada Somaliland iyo   Soomaaliya.

 

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa  lagu sheegay in dowladda Sacuudigu ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray.

 

”Sacuudiga waxaa uu Xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Deegaanada Soomaalida.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga.

 

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka hadasho arrintaan, islamarkaana ay war ka soo saartay go’aankaasi.

 

Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha nool u iib-geeya dalkaasi.

 

 

Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker