Dhakhtar feedh la dhacay bukaan uu qalliin ku sameynayay

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa baaritaan ku haya cisbitaal kadib markii la soo weriyay dhacdo la sheegay in dhakhtar qalliin uu feer ku dhuftay bukaankii uu xilligaasi qalayay.

Waxaa toddobaadkan lagu arkay muuqaal ku faafay baraha bulshada ee Shiinaha, taasoo dhalisay caro dhanka internetka ah.

Kooxda isbitaalka Aier China, ayaa shaqada ka joojisay dhaqtarkii qalliinka, waxayna shaqada ka eriday maamulaha isbitaalka ay shilku ka dhacday sanadkii 2019-ka.

BBC-du waxay la xiriirtay kooxda Aier China ee Isbitaalka maamusho si ay jawaab uga bixiyo dhacdada.

Muuqaalka ayaa laga arki karaa dhakhtarka qalliinka oo ugu yaraan saddex jeer madaxa ka garaacaya bukaanka oo uu indhaha ka qalayay.

Kooxda Aier China, oo maamusha silsilado cisbitaalo oo dhanka indhaha ah, ayaa sheegtay in shilkan uu dhacay intii lagu guda jiray hawlgal ka socday cisbitaalkooda oo ku yaala Guigang, koonfur-galbeed ee Shiinaha.

Bukaanku wuxuu ahaa haweeney 82 jir ah “intii lagu jiray qalliinka. dawada suuxdinta ee maxalliga Bukaanka ayaa dhowr jeer dhaqaajisay madaxeeda iyo bu’da indhaha taas oo loo sababeeyay dawada suuxdinta oo aan safiican u qaban, sida ay hadalka u dhigeen.

Maadaama bukaanku kaliya ku hadli kartay lahjad maxalli ah oo aysan u muuqan inay ka jawaabto digniinaha dhakhtarka qalliinka “wuxuu bukaanka u daaweeyay si adag oo xaalad degdeg ah”. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in bukaanku ay nabaro ka soo gaareen wejiga.

Qaliinka kadib, maamulka isbitaalka ayaa raaligelin ka bixiyay, waxayna magdhow ahaan u bixiyeen 500 yuan oo u dhiganta 70 doolar, sida uu sheegay wiil ay dhashay bukaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hooyadii ay hadda la’dahay isha bidix, inkastoo aysan cadeyn in ay sabab u tahay dhacdada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker