Xukuumaddii SIILAANYO Oo 14 Milyan Dollar Laga Musuqay Madaarka Burco Iyo Qaylo-dhaanta Guddida Horumarinta Togdheer

Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle) oo ka mid ah Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in la musuqay in ka badan 14-Milyan oo Dollar oo xukuumaddii hore ugu talo-gashay in lagu dhiso Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Burco isaga oo sheegay in gabi ahaanba lacagtaasi la waayay meel ay martay iyo cidda qaadatay toona, waxaanu xusay in Madaarka Burco muddo 10 sano ah.

 

Faarax Xadhigle oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay Magaalada Burco ayaa sheegay in la musuq maasuqay lacagta xaddigaasi le’eg oo xukuumaddu ugu talo gashay in lagu dhiso Madaarka Magaalada Burco balse gabi ahaanba aan lacagtaasi lahayn , waxaanu baaq u diray dhammaanba Bulshada Gobolka Togdheer oo uu ugu baaqay in ay iyagu isku tashadaan oo aanay xukuumad iyo cod kale toona waxba ka sugin ee ay dhistaan Madaarkooda.

 

Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle) oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Garoonkii Diyaaradaha ee Magaalada Burco waad ogtihiin in uu xidhan yahay. 14 Milyan oo Dollar baa la innoo soo daayay. La waaa’. La Waa’. Maanta haddii aynu ragannimo leenahay 14-kaa Milyan ee Dollar innaga Burco ah ayaa bixin karna. Waxaad ogaydeen in Biriijka Burco aynu innagu bixinay. Boqol bay dawladdu innagu darsatay. Jaamacadda Burcona sidaasi si le’eg bay ahayd. Waxba dawladdu nama ay siin ee maskaxdayada iyo Aqoontayada ayaanu ku shaqaynay. 14-kaa Milyan haddii aad ku xisaabtantaan. 500 oo kun oo qof haddii aynu bixinno mid waliba 28 Dollar. Aniga, adiga iyo dhammaanteen haddii aynu bixino waa 24-kii Milyan ee Dollar. Markaasna eeriboodhkii waan dhisannay. Laakiin dawlad aynu wax ka sugno iyo arrimahaasi way soo hadheen. Burco iyagaa waligeedba wax qabsan jirtay ee aynu ku dhaqaaqno”. Ayuu yidhi Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle).

 

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa wakhtigeedii waxa lacago badan loo ururiyay Madaarka Magaalada Burco oo ay doonaysay in ay dib u furto balse kuma ay guulaysan xukuumadihii kala dambeeyey ee Madaarkaasi hawl galo waxaana wakhtigan kaliya Somaliland ka shaqeeya Madaarka Hargeysa iyada oo ay dhammaanba madaarrada magaalooyinka kale xidhan yihiin. Waxaanay marar badan shacabka reer Burco dhaliillo ugu soo jeedinayeen xukuumadaha KULMIYE ee kala dambeeyey sida ay ugu fashilantay dib u furista Madaarka Magaalada Burco.

 

Halkan Ka Daawo Hadalka Faarax Xadhigle:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker