Sidee somaliland uga hortagikartaa saamaynta dhaqaale ee COVID-19

Dhammaadkii sannadkii 2019 waxaa dalka shiinaha ka dillaacay xanuunka loo yaqaanno COVID-19 isla mar ahaantaana wuxu aad ugu fidey waddamada adduunka oo dhan sannadkan aynu kujirno bilawgiisii waqti xaadirkannawuxu aad ugu fidayaa waddamada caalamka oo dhan oo ay kamidyahay dhulka soomaalidu.
Marka laga yimaaddo saamaynta caafimaad ee uu ku yeeshay waddamada caalamka, waxaa jira saamayn xagga dhaqaalaha ah oo uu ku yeeshay bulshada caalamka ilaa iminkana aan lahubin hadii uu xanuunkani sii socdo wuxu kudanbayn doono mustaqbalka dhaqaalaha adduunku.

Haddaynu unimaadno Somaliland waxa saaran xayiraado badan oo caalami ah sida duullimaadyada iyo qaar kamid ah gaadiidka dhulka maadaama laga cabsi qabo faafitaanka xanuunka COVID-19, haddaba su,aashu waxay tahay xayiraadahaa saaran Somaliland wax saamayn ah maku yeelanayaa mustaqbalka dhaqaalaha Somaliland? Jawaabtu waa “haa”.

Ganacsigu aad ayuu muhiim ugu yahay waddan walba waayo waddan waliba wuxuu leeyahay khayraad xaddidan kaasi oo aan dabooli Karin dhammaan baahiyaha kajira waddankiisa, sidaa daraadeed waddan walba wuxu ubaahanyahay inuu xidhiidh ganacsi lasamysto waddammada lajaarka ah iyo waddan walba oo uu xidhiidh ganacsi dhexmari karo si ay isu dhaafsadaan khayraadka kaladuwan oo midba midka kale ugafushado danihiisa gaarka ah.
Somaliland waxay kutaal Geeska Africa oo juqraafi ahaan iyo istaraatiiji ahaanba aad muhiim u ah qanina ku ah khayraadka kala duwan ee dhulka iyo baddaba, khayraadka ugu weyn ee ay leedahayna waa xoolaha nool oo ah ganacsiga keliyaata ee ay debedda udhoofiso.

Waqtigani aynnu kujirno oo uu caalamkuna kala xidhanyahay Somaliland waxay waddamada gacanka udhoofisaa xoolaha nool, sidoo kale waxa sidiisii usocda ganacsiga kayimaada waddamada carabta iyo waddamada kale ee qaaradda Asia kaasoo aan wax saamayn ah kuyeelan ganacsiga gaarka ah ee kajira Somaliland.

Marka laga yimaaddo ganacsiga gaarka ah ee kasoo dega dekedaha Somaliland siiba kuwa kayimaada waddamada Asia waxa jira khatar dhaqaale oo Somaliland kaga imanka karta waddamada jaarka qaarkood sida Itoobiya oo kale.
Xoolaha nool ee Somaliland u dhoofiso wadamada gacanka carabta wuxuu waxoogaa beddel ah unoqonkaraa badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Somaliland walow aanu joogto ahayn oo intabadan uu xidhanyahay dhoofka xooluhu balse Itoobiya oo ah waddan baaxadweyn oo xuduud dheer lawadaaga waxay maalin walba usoo dhoofisaa badeecado kala duwan oo uu ugu weyn yahay Qaadku kaasoo si joogto ah uyimaadda Somaliland siweynna uu ugu tiirsanyahay dhaqaalaheedu sidoo kale waxay usoo dhoofisaa khudaarta noocyadeeda kal duwan.

Marka loo eego waqtigani aynnu kujirno waxaa jira fursado badan oo Somaliland u adeegsankarto inay xidhiidh dibloomaasiyadeed oo kusallaysan wax isdhaafsi xaga ganacsiga ah ay kala samayn karto Itoobiya kuwaasoo ay kamid yihiin:
In Somaliland udhoofiso Itoobiya kalluunka maaadaama ay hodan kutahay khayraadka badda isla mar ahaantaana uu yahay midka ugu mudan ee waqtigani Somaliland xidhiidh ganacsi kala samaynkarto dalka Itoobiya maadaama aanay bad lahayn iyo sidoo kale milixda oo ah khayraadka dabiiciga ah ee sida weyn looga helo gobolladada qaar iyo xeebaha Somaliland si ay uhesho beddelka faa,iidada Itoobiya kahesho Qaadka ay usoo dhoofiso somaliland.
In Somaliland sidhakhso ah ufuliso mashaariic horumarineed oo ah waxsoosaarka beeraha dalka siiba gobolada bariga ee Somaliland oo ah dhul baaxadweyn kuna habboon wax soosaarka beeraha si looga maarmo khudaarta debeda uga imanaysa dalka sidoo kalena fududayn karta iskufillaanshaha waxsoorka dalka gudihiisa ah (GDP). si looga hortago saamayn uu yeelankaro bandowga waddamada jaarka ahi hadiiba uu siisocdo xanuunka COVID-19.

 

Aqoonyahan: Ibrahim Abdi Dirir
Burao- Somaliland
ibraahimcabdi118@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker