Nabadoon iyo wiil uu dhalay oo ku dhintay qarax ka dhacay Dhadhaab

Wararka ka imaanaya degmada Dhadhaab ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey duleedka xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ay la kacday miinada nooca dhulka lagu aaso ah.

Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah nabadoon Amiin Xasan Samatar oo ah nabadoon laga yaqaanno deegaanka Dhadhaab, wiil uu dhalay nabadoonka iyo qof kale, waxaana ku dhaawacmay 4 qof.

Miinada ayaa gaariga ku haleeshay waddada isku xirta Dhadhaab iyo Gaarisa, gaar ahaan meel dhowr kilomitir u Jirta Dhadhaab, waxaana dhaawaca la geeyey isbitaalka degmada Dhadhaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker