Qaladaadka Mbs oo Halis galinaya Kursigiisa Boqortooyada uu ku Xukumo.

Riyadh (OWN) – Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa naftiisa geliyay “Xaalad adag” kadib markii go’aanno is xig-xigay ay dhaxal siiyeen in uu Washington ku yeesho saaxiibo yar iyo cadow badan, sida lagu sheegay Qoraal lagu daabacay warbaahinta Bloomberg.

 

 

“Dhaxal suguhu waxaa uu ku dhowyahay in loo naco si aan loo nicin xubin sare oo qoyska boqortooyadda ka tirsan mudada 75-ta sano ah ee uu jiray isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudiga,” ayuu Bobby Ghosh ku qoray Bloomberg.

 

 

“Waxaa uu ku dhowyahay in laga Weeraro dhammaan Xarumaha Dowladda ee Washington, Arrimo badan awgood, kasoo billow dagaalka Yemen iyo xadhigga dadka u Ololeeya Xuquuqda Haweenka ilaa dilkii Jamal Khashoggi,” ee ka dhacay Istanbul, ayuu Wargaysku  Qoraalkiisa ku daray.

 

 

Bin Salmaan waxaa uu sidoo kale Curyaamiyay awooddiisa uu dhaq-dhaqaaq uga sameyn lahaa Washington markii uu dagaal saliidda ah la galay Ruushka, si uu u kordhiyo wax soo saarka Boqortooyadda Saliida hodanka ku ah, muranka uu Moscow la galayna waxaa uu qiimaha saliida geeyay meel hoose.

 

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isku dayey in uu xakameeyo Hogaamiyaha Sacuudiga intii uu socday wada-hadal dhanka telefoonka ah oo uu  si adag ugu goodiyay in uu ciidanka Maraykanka ka saarayo Sacuudiga, hadii uusan Bin Salmaan ka bixin muranka Saliida, sida ay dabacday Reuters.

 

 

Hanjabaadda uu Madaxweyne Trump gudbiyay isagoo sheegaya in uusan ka hortagi karin sharci ciidanka Maraykanka looga soo saarayo Sucuudiga, ayaa Bin Salmaan ku kaliftay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolkiisa dibadda uga baxaan, Trump-na telefoonka ayuu ku damiyay Maxamed bin salmaan.

 

 

 

Dhaxal suguhu “waa in uu hadda Garowsadaa Xadidaadyada istiraatiijiyadiisa aan caqli galka ahayn si uu salka ugu dhigo Xidhiidhka Maraykanka, oo ah xulufada lama huraanka ah ee boqtooyadda, gaar ahaanna horumarinta qoyska koowaad,” ayuu qoray Ghosh.

 

 

“Hogaamiyeyaashii hore ee Sucuudiga waxay Awoodeen in ay ku tiirsanaadaan saaxiibo ay ku leeyihiin congress-ka, si ay ugu doodaan dabacsanaanta Aqalka Cad. Laakiin MBS Saaxiibo yar ayuu ku leeyahay Washington, islamarkaana, dadka U  Olololeeya ee uu ku leeyahay halkaas ayaa ah kuwa xadidan, haddii uu adeegsan lahaa xasaradaha,” ayuu aragtidiisa ku daray qoraagu.

 

 

Si ka duwan sidii hore, boqortooyadu mucaarad yar kuma lahan Congress-ka, dagaalka saliidda oo dhaqaalaha caalamku uu hadda kasoo kabanayo ayaa sidoo kale saameysay dhaxal sugaha Sucuudiga.

 

 

 

“Dhaxal suguhu hadda xaalad adag ayuu ku suganyahay” ayuu yidhi Ghosh. “Waxa uu si aad ugu baahan yahay in uu xidhiidh la sameysto Congress-ka, laakiin hadda taasi waa ay ku adkaan doontaa sababtoo ah waxaa uu ku dhaawacmay danaha shidaalka ee Maraykanka.”

 

 

“Waqtiga uu Madaxweyne Trump bah-dilay bin Salmaan waa mid aan sahlaneyn: laba qaraxa dagaalka saliidda iyo safmareenka Coronavirus ayaa si weyn u dhaawacay dhaqaalaha Sacuudiga waxayna daciifiyeen hamigii dhaxal sugaha ee ahaa in uu isbedel ka sameeyo wadanka,” ayuu yiri qoraaga maqalkaan.

 

 

“Hadda dhaxal-suguhu waxaa uu ku go’doonsan yahay meesha uu la doonayey Madaxweyne Trump. La-taliyeyaashiisuna waa in ay rajeeyaan in si joogto ah dibadda loogu saari doono markii dhaxal sugaha laga soo waco Aqalka Cad.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker