Tiro badan oo lagu dilay xaflad diimeed si ka dhaceysay Nigeria

Ugu yaraan 85 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Kaduna, ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, weerar cirka ah oo lagu qaaday xaflad diimeed fiidnimadii Axadda, maamulka gurmadka degdegga ah ee maxalliga ah ayaa sheegay.

Dadka rayidka ah waxaa “si khaldan u dilay” diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee militariga “oo bartilmaameedsanaysa argagixisada iyo burcadda”, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Uba Sani.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa howlgalka ku tilmaantay “musiibo aan loo baahnayn”.

Tobaneeyo ayaa ku dhaawacmay weerarka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker