Dhacdada booliiska iyo saxaafadda ee argagixisida le sidee looga faaiidaysan karaa?

Dhacdadii argagicisada lahayd ee ka dhacday gobolka gabiley: Saxaafada iyo hayadaha sharci ilaalinta maxaa laga faaiidaysan karaa si aanay dhacdadan oo kale usoo noqon.

Marka hore waxaan ummadda Somaliland ee horumarka iyo nabadda jecel ka raali galinayaa dhacdadan foosha xun ee gobolka gabiley ka dhacday taas oo meel kadhac ku ah sumcadda iyo hamiga Somaaliland.
Haddii aan u daadago aragtidayda ku wajahan dhacdadan, waxaa baryahanba is soo tarayey ismaandhaafka saxaafada madaxa banaan iyo hayadaha sharci ilaalinta ee gobolka gabiley. Arintani waxa ay salka ku haysaa sida aan u arko waa dhawr arimood oo u baahan in laga shaqeeyo.
Arinta 1aad; waxa weeyi aqoonta sharciga oo kooban oo u baahan in loo bisleeyo saxaafadda iyo maamulkaba si layaga ilaaliyo xadgudub inuu dhaco. Sida dhacdadan foosha xun ka muuqata suxufiyiinta waxa ka dahsoon awoodda uu ciidanka boolisku leeyahay. Caalamka kama dhici karto in asgari boolis ah oo shaqadiisa gudanaya gacanta loola tago. Iska daa inay gacantaadu gaadho ama aad aflagaado u geysatee, hadduu amar kusiiyo oo aad diido waxaad mutaysanaysaa xadhig. Markaa dadwaynaha shacbigu wuxuu u baahanyahay inuu fahmo awoodda hayadaha sharci ilaalinta.Taasi oo keeneysa in amaankooda la sugo sharciguna uu shaqeeyo.
Masalada meesha iman kartaa waxa weeyi suxufigu ma ka duwanyahay shacbiga kale oo awooda gaar ah miyuu leeyahay? Haddii aynu si fudud uga jawaabno suaashan jawaabtu waa maya haddii aanu haysan ogolaansho ay ogyihiin hayadaha amniga iyo sharci ilaalintu.
Arinta 2aad; Waxaa muuqata in aan loo bislaan hadafka saxaafadda iyo muhimadda uu suxufigu u leeyahay shacbiga Somaliland. Arintan haddii aanay saxaafadda iyo maamulkuba u bislaan waxaa ka dhalan karta khatar ku timaada horumarka Somaliland. Dhacdadani waxay ku tusaysaa sida ay suxufiyiintu uga aradan yihiin milgaha sixufinimada (profesionalism). Qaabka ay u dhaqmayeena uma muuqdo qaab suxufi khibradi ku dheehantahay. Haddii aadan ogolaansho haysan maaha inaad sidii dibjirka ama dad shacbiya oo banaan baxaya oo sharciga ka hor imanaya u dhaqanto.
Arinta 3aad; Waxaa muuqata in saxaafadda, maamulka iyo hayadaha amniguba aanay iska warhayn oo wada shaqayntoodu ay liidato. Haddii ay munaasibadi jirto si amnigeeda loo sugo waa in suxufiyiinta, maamulka munaasibadda iyo saxaafadduba ay ogyihiin cidda munaasibadda imanaysa iyo doorka ay ka ciyaarayaan.
Hadii aan gunaanado, waxa loo baahanyahay in mabda saxaafadda ay fahmaan suxufiyiintu. Saxaafaddu sida aynu ogsoonahay waa qaybaha ugu waa wayn ee shacbiga laga hago, markaa sixufi aan bislaan ama cid bilaatay oo warka uu tabinayo cid ka tifatartaa anaanay ka danbayn khasaare badan ayuu ku keeni karaa geedi socodka Somaliland. Markaa waa in layswaydiiyo maxaa yihiin mabaadiida waa weyn ee saxaafadda Somaliland ee loo baahanyahay in shacbiga lagu hago. Suxufiyiibtuna iyaga oo xora waa inay mabaadiida dhinacooda ka ilaaliyaan.
 Allah Mahadle.
Qore: Mowlid Ali Hure
alimowli@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker