SHEEKH AADEN SUNNE ARRINKIISA JARAA’IDKA CAALAMKU MAXAY KA YIDHAAHDEEN !

Ummadaha Caalamka ku nool Gaal iyo Muslim gaar ahaan ummada Somaliyeed ee ku dhaqan Geeska Afrika iyo daafaha caalamka  waxay ka dhiidhiyeen Sheekha Caalimka ah ee dooxan  Imam Adan Abdirahman Warsame  loona yaqaan Sheikh Aden Sunne حفظه الله ورعاه imaamka oo isagoo u baahan daawayn deg deg ay Heegada Hargeysa ee garaadka darani jeelka ku celisay arrinkaa oo uu caalamku u aqoonsan yahay “torture” sida ku cad siyaasada iyo hab dhaqanka haya’adaha u dooda xuuqul insaanka ee caalamiga ah  ” “Refusal of detainees medical care constitutes torture if such deprivation is intentional and inflicts “Severe pain or suffering” for such purposes as punishment, coercion or intimidation, obtaining a “confession”, or for any reason based on discrimination of any kind”. In arrinkani  ” torture ” yahay waxaanu u malaynaynaa inay iska dhago tirayaan qareenada iyo xuquuqul insaanka Somaliland .

Jaalle Muuse Biix Cabdow baraha bulshada waxay so dhigaan sawir ay ishu ku dooxan tahay dhoqosh waa adigaa Imaraatka ula cararaya ALLAH ha ku caafiyo lakiin hadii aad Culimo Dooxan jeelasha ku hayso Heegada Hargeysina kuugu sacab tunto ogow Isha kalena waa ku Dooxmaysaa Idin ALLAH culimadu ciyaayir maha وسيعلم الذين ظلموا أي منقلب ينقلبون والعاقبة للمتقين

Waar gurmadkaa Sheekh Aden Sunne حفظه الله ورعاه ee meel walba ka soo yeedhaya Gaalo iyo Muslim ba waxa ugu dambeeyey maqaal  qaylo dhaan ah oo ay qoreen jara’idka  looga qateenka ah amuuraha geeskana u dhuun daloola ” The African  Intellegence ” iyo “ION ” kuwasoo xadhiga Sheekha in mucaawino lagu doonayo kor ugu dhawaaqay . Bal maqaalka aynu siino taxliil ku haboon inakoo akhriyeyna sadarada dhexdooda “reading between the lines”  Cinwaanka Maqaalku wuxuu leeyahay Sheikh Aden Sunne’s arrest worth its weight in foreign aid ( اعتقال الشيخ آدم سنه يستحق ثقله في المساعدات الخارجية ) waar meeshan Imaan beeshay eega  Sheekh xadhigiisa lacag baa lagaga doonayaa beesha caalamka waxaan maqli jiray heblaayo markii la guursanayey reerkooda dahab baa loogu miisamay waar iminka ma Caalim Dooxan oo jeel ku jira ayey leeyihiin qolada degta xafadaa 26 June noogu misaama Mucaawino Caalami ah  قاتلكم الله . ……. Waar xataa Jaalle Farmaajo ayey kusoo casuumi gadheen Hargeysa iyakoo Mucaawino iyo lacag raadinaya haduuna diidi lahayn Jaalle Gudoomiye Salebaan Nuur ka Guurtidu ……… Yeelkeede

“The detention of the imam Adan Abdirahman Warsame aka Sheikh Aden Sunne has raised questions about the president’s strategy. The imam was arrested on accusations of terrorism by his Kulmiye party while Ahmed Mohamed Mahamoud, aka Silanyo, was in power, and a few months later the current Somaliland president Musa Bihi Abdi made an issue of it during the 2017 election campaign “. ~ The African Intelligence ~

Xadhigaa Imaam Aden Cabdiraxmaan Warsame loo yaqaan Sheekh Aden Sunne حفظه الله ورعاه wuxuu calaamatul su’aal galiyey strategy-ada Madaxweynaha ……. tasoo ku tuseysa in Horjoogaha Heegada Hargeysa qaawan yahay  “The emperor has no clothes ” waxa kaliya ay isaga iyo inta ku xeerani ku fakirayaana yihiin maxaad cuntaan iyo Where is the Dollar ? Dollar-ka ii dhiib doodu ha ii dambeysee . Imaamka waxa xidhay Kulmiye one isagoo lala xidhiidhinayey argagixisonimo bilo ka hor intaanu galban xukunkii dumarka iyo caruurta gadhwadeenka ka ahayeen ee Jaalle Madaxweyne AL – Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo . Xadhiga Imaam Aden Cabdiraxmaan Warsame Sheekh Aden Sunne Madaxweynaha talada haya ee Somaliland wuxuu ku galay doorashadii 2017………… Waxa la ogaa Jaalle Muuse Biixi Cabdi oo ka leh Baligubadle Sheekh Aden Sunne khalad buu ku xidhan yahay isagoo sheekha toos ugu sheegay inuu soo dayn doono hadii reer Baligubadle u codeyaan xukunkana uu qabto ……… Ma rumaysan tahay Muwaadin haduu Sheekhu Aragagixiso yahay in balanqaadkaasi dhici lahaa waa MAYA .

“According to some observers, his arbitrary detention reflects the president’s strategy of arresting non-violent, orthodox imams and thereby giving the impression the terrorist threat is increasing. The aim is allegedly to receive aid from Western powers in the form of military equipment and training along the lines of the UK’s financial support for the anti-terrorist Rapid Reaction Unit (RRU)” ~ The African Intelligence ~

Sida xogxogaalku sheegayo farsamada Madaxweyne waxay tahay in wadaado mayal adag oon cunfi samayn la iska xidhxidho  si loo yidhaah dagaal baanu kula jirnaa argagixiso caalami ah si dawladaha reer galbeedka ihi saad ciidan , tababar iyo deeqba u siiyaan sida dawalada Ingiriisku u gargaarto RAGA REERAHA U DHACA ( RRU)

..

“ Sheikh Aden Sunne had severe stomach bleeding and was rushed to Hargeisa hospital, but returned to jail before he could be operated on”.~ The African Intelligence ~

Sheekh Aden Sunne حفظه الله ورعاه caloosha ayuu dhiig kaga furmay bogcadka ayaa dilaacay cisbitaalka Hargeysa ayaa loola soo cararay ogow Muwadin dhakhtaradu waxay yidhaahdeen hadaan 45 cisho lagu qalin wax dambe lagama qaban karo hadana maamulka Hargeysa ee Heego sheekha Dooxan  dhakhtarkii dib bay uga celiyeen  isagoon la qalin bay jeelkii ku celiyeen.

Ummada Somaliyeed Sheekha si wayn bay ugu soo gurmatay lakiin waxaanu ka codsaneynaa in Beelweynta Mataanuhu hormoode gurmadkaa ka noqdaan  waxaanu u baahanahay cid sameysa CROWD FUNDING magaca sheekha wixii kusoo dhacana lagu soo hagaajiyo GUDIDA BEELWEYNTA GARXAJIS  si ay u gaadhsiiyaan qoyska Sheeka Aden Sunne  حفظه الله ورعاه,  CROW FUNDING -KAA Masaajid ka mid Masaajidada  London halaga bilaabo  facebook – yadana halagu shaaciyo iyo social media Ummada Somaliyeed u kala hadhi mayso MEEL KASTOOY CAALAMKA KA JOOGTO… …. Arrinta labaad ee aanu doonaynaa waa  MUDAHARAAD SALMI AH OO KA HOR DHACA AMNESTY INTERNATIONAL LONDON WIIGA SOO SOCDA DHEXDIISA  MAALIN UU WEATHER-KU AMA JAWGU FIICAN YAHAY ……….ICLAANKA KU SAMEEYA SOCIAL MEDIA IDINKAA YAABI WAXA MUSLIM YIMAADA EE.

UGU DAMBAYN ARRINTA ABWAAN BAASHE IYO MACALIN CABDIQAADIR CID WAX HA KA QORTA ARRINKOODA  AYAANU  U BAAHAN NAHAY SI AANU CAALAMKA UGU DHIIBNO WAAR YARTII ABWAAN BAASHE  UU DHALAY EE  MARWO ASMA’A BAASHE WARAAQ LA YAAB LEH AABAHEED HA U QORTO AF-SOOMALI ANAKAA TURJUMEYNA EE OO HAKU DAABACDO OODWEYNENEWS ….. MUDHARAADKANA KU DARA LABADAA WADAAD…..

DHAMAANTIIN U DUCEEYA SHEEKHA.TAKBIIR ALLAHU AKBAR

 تكبير الله آكبر……  تكبير الله آكبر ….. تكبير الله آكبر

 

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker