Guddida Qandaraasyada iyo W. Gaadiidka! Ma 2 Geerash! By Amir Bidde

In shilalka baabuurta, oo dalkeena ku badan la yareeyo waa mid muhiimaddeeda leh. Xukuumaddana looga fadhiyo inay wax ka qabato. Wax qabasho waxay imaan kartaa marka si wanaagsan looga baaraan dego, baadhitaano aqoon ku salaysanna la sameeyo. Inkastoo sababaha keena shilalka dalkeena ay qof walba u muuqato. Shilalka ka dhex dhaca magaalooyinka dhexdooda waxa keena oo ugu muhiimsan waa baabuurwade aan baabuurka ka adkayn (liisanka musuqa lagu qaato awgeed) iyo waddo xumo iyo cidhiidhi ka taagan gaar ahaan Hargaysa. Baabuurta laftoodu oo tikniko ahaan, aan laga shaqayna. Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ah hay’adda ugu musuqa badan dalka oo askartu u kallahaan inay laaluush qaataan, mana daneeyaan nabadda baabuurta iyo dadka toona (marka laga reebo kuwa isgoysyada Hargaysa baabuurta kala haga).
Shilalka ka dhaca waddooyinka isku xidha magaalooyinka waxa uu dheer intaa in ayna is lahayn dhinaca dirawalku ka fadhiyo baabuurka iyo waddadu (baabuurku waa bidixle, waddadana midig baa la marayaa). Waa arrin aad iyo aad khatarteeda u leh, shilalka waddooyinka oo dhanna keenta. Ninka u hadlayay guddida qandaraasyada wuxuu sheegay inay baadhitaan sameeyeen waxa keena shalalka; arrinta bidixlaha ah kumuu soo darin!! Baadhitaankoodu ma Hargaysa gudaheeda uunbaa ahaa?? Dhimashada iyo dhaawacu 99% wuxuu ka dhaca dibadda (waddooyinka isku xidha magaalooyinka).
Wasaaradda Gaadiidka iyo guddida qandaraasyada ayaa maanta (10/3/2019) si wada jira shir jaraaid ku shaaciyey in xoogga la saarayo farsamada baabuurta (waa ta kaliya ee ayna dawladda lacagi kaga baxayne) oo geershyo la siinayo qandaraas (yaacnii kooto loogu xidhayo), si geerashyadaa oo kali ihi masuul uga noqdaan hubinta baabuurta. Haba noqoto tallaabadii u horreesay, laakiin ma waxa caqliya gobolka Maroodijeex oo dhan ayaa laba geerash oo kaliya loo xilsaarayaa?? Baabuurta dalkuba waa Hargaysee!! Liiska sugitaanku intuu dhererkiisu leekaan doonaa?? Hubintu waa sannad leh ayay yidhaahdeen, inta la sugayo labada geerash ayaaba sannad ka badan doonta. Hargaysa gudaheeda ayaa ugu yaraan 20 Geerash oo hubiya baabuurta u baahan. Ninka deggen Wajaale, Balligubadle, Allaybaday, Sallaxlay ama Gabiley ma inuu Hargaysa cishooyin kuyuu u galaa? Oo ma Hotelka ayay guddidu ka bixin doontaa? Maxaa magaalooyinkaa, magaalo walba geerashyadeeda mid ka mida loogu xilsaari waayay? Qabyaaladdi waxaba inagaga daran, arrintan gobolaysiga!! iyadoon gobollo lagu fikirin waa in magaalo walba baahideeda la eegaa.
Haddaynu wax hagaaji is nidhaana waxaynu kharribayno ayaa ka wayn oo ka badan waxayni toosi is lahayn. Sababtuna waa marka dad meel masuul looga dhigo iyagoon tayadeedii lahayn.

 

 

Wa Billahi tawfiiq,

Ayanle Amir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker