Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Doomo u dirtay magaalada Luuq si dadka loogasoo daad gureeyo

Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daad gurayn lahaa illaa 2,400 oo qof oo ku go’doonsan fatahaada ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doomo loo diray magaalada Luuq, si loogasoo daad gureeyo dadka halkaas ku go’doosan.

Warbixin hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in 1.17 milyan oo qof ay ilaa hadda saamayeen roobabka ka da’ay dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in ay 334,800 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii, halka ay jiraan 28 dhimasho ah oo ay ku jiraan 8 caruur ah

Sidoo kale, hay’addu waxay  sheegtay in 2,400  qof ay ku go’doonsan yihiin biyaha daadka.

Shalay, hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyoodeen daadadkii ugu xumaa oo ka dhashay roobabkii ka da’ay dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker