SUXUFI, SAMAFALE COLDOON WAA INUU XORIYADIISA HELAA

DHamaan waan salaamayaa bahda warbaahinta  meelkasta oo ay  joogto.
 intaa dabadeed waxaan doonaya innaan ka dhiibto aragtiyda sida aan u arko xadhiga   axmqanimad ah ee lagu riday Suxufi ,samafale  Coldoon iyo inta la midka ah u xidhan ama loo xukumay rayigooda ay dhiibteen.
Waxaa is weydiin leh ma been ayeynu ka sheegeynaa  in dalku yahay Dimuquraati.
Ereyga dumuquraati waa eray a Giriig ah macnihiisu  yahay awooda waxaa iska leh shacabka ama dadweynaha  waxayna u madax banaan  yihiin xoriyadda  hadalka, qoraalka  sida  TV, iyo jaraaiidka.
Maxay dawladdu ku xidhay Suxufigaasi maalinksata waxaa lagu qoraa baraha bulshada intaas oo waxyaalood,waxaa ka baxa TV yda oo ku jiro kan dawladdu waxyaabo bulshadda kala fogeynaya   ha  ahaadaan madax dhaqameed, siyaasiyiin iwm maxaa wax looga qaban waayey.
QOFKA GOORMAA LA XIDHIKARAA?
Haddii u fal  dambiyeed uu markaa faraha kula jiro.
Haddii ay maxakamadi  xukun ku riday .
Haddii  qof uu  wax dilo.
Jeelalka dalka waxaa ka buuxa kiisas aan sidaa u buurneyn ayaa dadka lagu xidhayaa ,arrimaha saxaafadda ama wixii siyaasadd ah waxaa la haboon in loo yeedho  qofka  markaa su,aalo la weydiiyo .
Qofka dhibana ah marka hore meesha uu u soo dacwoonayaa waa  Bileyska  Poliska .Booliisku wuxuu u yeedhayaa  cida la dacweynaayo  wuxuu weydiinayaa wixii lagu soo dacweeyey  .ka dib qofkaas oo dibada jooga ayaa loo gudbinanyaa maxkamdda ,maxákamdda ayaa go,aan ka gaadheysa  iyada ayaa markhaatiyaasha raadsaneysa  ,waxaa laga yaaba in ganaaax lagu xukumo  ama la sii daayo .Muxuu yahay xukunka u yaala  Tooriyadda qofka sita  misa ma jiraa sharci u yaala .
Waxaa ku soo koobayaa waa in  Suxufigaas COLDOON  iyo inta la midka ah xuriyadooda ay helaan
Ahmebudul@hotmail.com
Ahmed daacad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker