Maxkamada Yurub oo mabnuucday ‘hilibka xalaasha ah’

Maxkamada Xaquuqada Aadanaha ee Yurub ayaa xukuntay oo sharcigal ka dhigtay xeerka mabnuucaya in xoolaha loo qalo habka xalaasha ah.

Go’aankan ayaa dabo-socday xukun hore oo farayay in la suuxiyo xoolaha kahor inta aanan la qalin.

Maxkamada Xaquuqda Aadanaha waxay sheegtay in go’aankan uusan xadgudub ku ahayn xorriyada diimaha iyo islamarkaas na uusan ahayn takoor.

Go’aanka Maxkamada ayaa lasoo rogay shalay oo Talaado ahayd kadib markii uu guuldareystay dacwad ay wadajir u gudbiyeen ururada Muslimiinta iyo Yahuuda oo doonayay in loo ogolaado inay xoolo u qashaan si waafaqsan diintooda.

Saddex iyo toban urur iyo shaqsiyaad matalayay bulshooyinka Muslimiinta iyo Yahuudda ayaa horey dacwada ugu gudbiyay Maxkamada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker