Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegtay inay tallaabo ka qaaday siyaasiyiin damacsaneyd Afganbi

Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay siyaasiyiintii damacsaneyd iney deegaanka kacdoomo ka sameeyaan ay dowladdu tallaabba ka qaadday.

Hoggaanka Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Mubashir Dibad Raage oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay hadafka ay siyaasiyiinta uu qaswadayaasha ku sheegay ay leeyihiinna uu ahaa iney dowladda deegaanka ka jirto meesha laga saaro dadki shacabka hagardaamooyinka tirada badnaa u geystayna ay xukunka ku soo laabtaan.

Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan oo ay ka mid yihiin xubno xukumaddi hore ka tirsanaa.

Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horay u beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgambi lagu sameeyay xukuumadda dowladd deegaanka kaas oo ay mas’uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro argagaxiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker