Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Siyaasiyiinta Ugu Digay Hurinta Dagaal sokeeye.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan hurinta dagaal sokeeye.

Gudoomiyaha ayaa ka digay kicinta fitnada iyo hurinta dagaal sokeeye, oo dalka dib loogu celiyo soddon ka dib.

“Baryahan sidaad la socotaanba xaaladda dalka ma fiicna, waxaan maqleynaa dad, dadka ugu yeeraya dagaal iyo iska horimaad.” Ayuu yidhi Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa yiri “Diinta Islaamku waa hanuun, waa iftiin, waana nuur, waxaa lagu nasaqay oo ay meesha ka saartay jaahiliya.”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu yeeray shacabka iyo siyaasiyiintaba in ay ka qayb qaataan xasilloonida iyo horumarka dalka, bedelkii ay dagaal sokeeye qayb ka noqon lahaayen.

Dalka ayaa si weyn looga dareemay xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sano ee Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Xiisadda ayaana gaartay meeshii ugu sareysay labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladda Somaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker