Kismaayo: Caruur Gaajo iyo Macaluul u Geeriyootay

In ka badan 30 carruur ah ayaa saacadihii la soo dhaafay nafaqo darro ugu geeriyooday Isbitaalka Magaalada Kismaayo, sida ay noo xaqiijiyeen Maamulka Isbitaalka.

Carruurta halkaasi ku geeriyootay ayaa laga keenay deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo, Faysal Aadan Ibraahim ayaa sheegay in ay geeriyoodeen 30 Carruur ah, taasi oo ay sabab u noqotay Nafaqa-darro ka dhalatay Abaarta ka jirta dalka.

Sidoo kale, Feysal ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ruux oo ah qoysaska saameynta ba,an ku reebtay Abaarta lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Kismaayo kaddib xannuuno ay ka qaadeen cuno la’aanta & Biyo yarida jirta.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha Caalamiga ayaa hore uga digay in Abaarta daran ee ka jirta dalka ay sababi karto Macluul iyo Nafaqa-darro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker