Safarka C/raxmaan (Saylici) Ugu Baxay Nabadaynta Colaadda Ceel-afweyn Waxay Ka dhigan tahay “ADOO HILIB FILAYA CAANO MA LAGUU KEENOO BIYO-BIYO MAKUU DHADHAMEEN”

Ceerigaabo(OWN) Waxa cid waliba ka dheregsan tahay in ay muddooyinkii ugu danbeeyey Degmada Ceel-afweyn iyo degaanno kale oo galbeedka gobolka Sanaag ah ay ka jirto colaad u dhexaysa beelaha degaannadaas ku wada dhaqan taasoo soo noqnoqotay sababtayna dhimashooyin, dhaawacyo iyo khasaarayaal kale oo badan.

 

Waxa kale oo aan cidnaba ka qarsoonayn daminta colaaddaas iyo in heshiis laga dhex abuuro beelahaas walaalaha ah in xukuumadda Somaliland oo dhawr jeer weftiyo kala duwan usoo dirtay aanay ku guulaysan ilaa maanta xal u helidda arrintaas, markastana iyadoo halkeedii taagan ay xukuumaddu dib uga laabatay, marka laga reebo ciidammada qaranka ee kala duwan oo iyagu ilaa manta kala dhex jooga beelahaas.

 

Waxa kale oo aynu ognahay madax-dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiinba intooda badan bulshooyinka kala duwan ee kudhaqan geyiga Somaliland inay ka hadleen colaaddaas sidii loosoo af-jari lahaa, cid kastaana Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqday haddii xukuumaddu daacad ka tahay arrintaas inuu isagu tago degaankaas oo dhexda u xidhto sidii colaaddaasi meesha looga saari lahaa beelahaas walaalaha ahna heshiisiin dhab ah dhexdooda looga abuuri lahaa.

 

Haddaba iyadoo maanta Ergooyin lixdan qof kor u dhaafay ay xukuumaddu usoo dirtay xallinta colaadda degaannadaas kajirta uuna hoggaaminayo ergooyinkaas Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil (Saylici). inkastoo culimo iyo codkar badani meeshaas marayaan haddana waxa muuqata in Madaxweyne Muuse Biixi oo laga filayey inuu tixgeliyo baaqyada loosoo jeediyey aanu dheg u jalaqsiin meeshana aanu marayn isagu.

 

Waxayna Madaxweyne-kuxigeenka uu soo diray Madaxweyne Muuse Biixi bulshada uga dhigan tahay “ADOO HILIB FILAYA CAANO MA LAGUU KEENOO BIYO-BIYO MAKUU DHADHAMEEN”. Sidoo kalena waxay meesha soo gelin kartaa isweydiino hor leh oo kusaabsan sida weftigani ugu cuntami doonaan bulshadii Madaxweynohooda sugaysey ama xal dhab ah uga gaadhi karaan xaaladda jirta iyo weliba in xukuumaddu daacad ka tahay arrinta iyo in kale.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker