Malaga yaabaa in Madaxwaynaha jabouti U Xusul duubayo sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Muranka Badda ee u dhexeeyay Somalia iyo Kenya

Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii dmabe ee Shalay gaadhay Magaalada Jabuuti, Madaxtooyada Soomaaliya ayaana faahfaahineysa waxa uu salka ku hayo safarkan.

Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf ayaa garoonka diyaaradaha ku qaabilay wafdiga Farmaajo, waxayna kulan gaaban ku yeesheen hoolka martida ee ku yaalla gegida gudaheeda.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadday xilli ay dhawaan Jabuuti tagtay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma, iyadoo la ogyahay in muddooyinkii dambe uu meel xasaasi ah marayay khilaafdka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Marwo Juma ayaa kulan la yeelatay madaxda Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Hase yeeshee, madaxtooyada Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in safarka madaxweynaha uu daba socdo ama xidhiidh la leeyahay socdaalkii wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Kenya iyo kulankii ay la yeelatay mas’uuliyiinta Jabuuti.

Aagaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Muqdisho Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in booqashadan ay tahay mid gaar u ah Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd in safarka Farmaajo ee Jabuuti uu la xidhiidho muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waliba booqashadii Monica Juma ayuu yidhi: “Annaga nama khuseyso wasiir kale iyo wufuud ka socotay dal kale oo halkan timid, waxa na khuseeya waa waxa annaga iyo walaalaheenna Jabuuti naga dhaxeeya, waa waxa aan annaga iyo Jabuuti iska kaashan karno, taas ayaana ahmiyad noo leh, Marka Monica iyo cid walba ayaa iman karta halkan, Jabuutina waa dal xor ah”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalinta barri ee Isniinta ah kulan dhinacyo badan taabanaya la yeesho dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker