Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xasaanadda laga xayuubiyay

Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan.

 

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah.

 

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afhayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa   in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.

 

Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aanay joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aanay  dalka joogin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker