Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo boogaadiyay Heshiiska ay Gaadheen Garabadii ku Loolamayay Talada Dalka Suudaan

Muqdisho(OWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun eedalkooda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee ay muujiyeen dhammaan dhinacyada Suudaan muddadii ay socdeen wadahadallada lagu samata-bixinayey dalkaas aan walaalaha nahay, isagoo tilmaamay in arrinkani uu dhiirrigelin u yahay xal u helista khilaafyada noocan oo kale ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker