Khadiibkii Haramka Sh Sudaysi oo Beeniyay in Xilka Laga Qaaday

 

Waxaa soo baxayay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta baraha bulshada oo ku saabsan in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys xilkii Xaramka looga qaaday khudabadiisii 4-tii bishan ka jeediyay masjidka xaramka.

 

Balse wararkaasi ma aysan xaqiijinin warbaahinta dalka Sacuudiga iyo sidoo kale maamulka wadankaas. Waxaana lagu tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo aysan caddeyn meesha laga soo xigtay.

 

Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeys, ayaa 48-kii saacadood ee ugu dambeeysay uu watay howlihiisa uu ka hayo Xaramlka.

Sida lagu daabacay bogga Facebook Xaramka, sheekh Sudeys ayaa shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 15 bisha September, kormeer ku sameeyay qeybta biyaha Zamzamka ee lagu shubay dhalooyiin si loogu qeybiyo dadka Xaramka ku sugan.

Wadaadka ayaa waxa uu gaar ahaan u kuur galayay sidii loo ilaalin lahaa nadaafadda maadaama uu caalamka imika ka jiro fayraska Corona, isagoo sidoo kale 7 saacadood ka hor kormeeray goob la dhigay qalab loogu talagalay xaaladaha degdegga ah oo laga sameeyay ilinka laga galo Xaramk

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker