Raysal wasaare Xamse oo sheegay in la qaadayo dhagaxaanta ku go’an qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey Kulanka Amniga Qaranka Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in la qaadi doono dhagaxyada ku go’an qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Xamse oo ka hadlayey sida ay caqabad u yihiin dhagaxyadani ayaa yiri: “Bishaan January waa in la qaadaa dhagxaanta waddooyinka Ccaasimadda taalla, amniga ayey caqabad ku yihiin, shacabkuna way ka sheegteen…annagaa ka sheeganaynaa xitaa”.

Dhagaxyada waaweyn oo ku go’na qaar badan oo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayuu Raysal wasaaruhu sheegay in qayb ahaan la qaadi doono mar haddii ay bishan Jannaayo dhamaato.

Waxaa markii hore loo dhigay dhagaxyada sababo amni iyo in lagu gooyo waddooyinka qaar ee aan dadweynaha loo oggolayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker