Maxaa galey degmada saylac?. By dharaar sugaal

Inline image

Maxaa galey degmada saylac?. By dharaar sugaalWaxaa ceeb iyo wax laga xishoodo ah in wasiirka caafimaadku uu u magacaabo degmada saylac nin aan aqoon caafimaad lahayn ninkaasi oo ah yuusuf cawaale markaan taasi arkey ayaan ka gabyey arintan.xigto nolol u diid baad ahayd,  yuusuf adu xumaantaaye

nin qabiil ku xayraansan baad,  ahayd taniyo waagiiye alahayow adaa qaadiree kadarka weydaari.

xoolahaad lunsantey  baan ogeyn taniyo waagiiye xaqdaradaad wadaan ogeyn adigu yuusufowe

nin xasuuqid utaagantahay baad,  ahayd taniyo waa hore alahayow adaa qaadire kadinka weydaari.

Badhasaabka salal oo noqdey nin u adeega reer kaliya waxay ceeb ku tahay arintaasi madaxweynaha qaranka JSL muuse biixi oo laga filaayey sidan si dhaanta .Waxaan ku leeyahay sidan,kaligaa xantoobsay ahayd, taniyo waagiiye

nin xil kale dad kale u boobayaad, ahayd tan iyo maalintaad timide.

nin xiskiisa laga dayriyaad,ahayd mawliidow taniyo waagiiye.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaad ka JSL Mr maxamed cabdi xergeeye wuxuu lamid yahay Qofka doonistiisa sharci ka dhigaa, sharci la’aan ayaa uu ku dhacaa,in degmada saylac ay gasho buuq iyo qalalaaso waxaa ka masuul ah agaasimaha w/caafimaad ka sida dadka degaanku ay noosheegayaan sidaasi darteed waxaan madaxweynaha u sheegeynaa inuu talaabo adag ka qaado agaasimihiisa w/caafimaad ka oo noqdey ninka ku taageersan yarkan yuusuf cawaale ee ku magacaaban caafimaad ka degmada saylac oo ah nin aan aqoon caafimaad lahayn kana shaqeeya oo qudha iska horkeenka beelaha degaanka saylac.

Waxaa mudooyinkan dambe isasootarayay sida laga wada warqabo in ay ka soo burqanayaan deegaanada hoosyimaada G/Salal kuwaasi oo ku tacaluqa xaalad abuur loo gumaad sanayo shaqaale caafimaad oo aan mudnayn in lagu fara gariyo Badana caafimaadka qaybaheeda kala duwan .

Si kastaba ha ahaatee waxaanad filanayn wax xun ka filo bay Soomaalidu tidhaa, wixii la maleegayay wuxuu dhalay xaalada inay fara ka bax gaadho taasi oo ay ka dambeeyaan madaxa caafimaadka Gobolka iyo Badhasaabka oo labaduba isku kaalaystay inay ka aloosaan xaalad aan u siloonayn guud ahaan gobolka qaybihiisa kala duwan..

By Dharaar sugaal

Dharaar@gmail.com

London Uk

Sent from Yahoo Mail for iPad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker